4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2012
Kulan looga hadlay Aragtida Islaamku uu ka qabo boobka gagaarka loogu talogalay dadka dhibaateysan oo Muqdisho lagu qabtay

Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay qaabka lagu badbaadin karo amaba looga hortegi karo boobka kooxda loo geysto raashinka gargaarka ah ee loogu talogalay dadka dhibaateysan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo agaasiintay hay'adda CCD.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubno ka socday culummada Ahlusunna ayaa waxaa diiradda lagu saaray waxay diinta Islaamka ka qabto in la boobo ama la dhaco raashin gargaarka oo loogu dadka tabaaleysan ama barakacayaasha.


Sheekh C/qaadir Sh. Maxamed (Sheekh Soomow) oo ka mid ah Ahlsuunna oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inaysan diinta Islaamku ogoleyn in la dhaco deeq ama gargaar loogu talogalay dad dhibaateysan, isagoo Al-shabaab ku eedeeyay in ay dhacdo gargaarka bani'aadamnimo.

Sheekh Axmed Sheekh Aadan Dheere oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isagu ka hadlay qaraxyadii lagu dilay dadka badan oo ay wariyeyaashu ka mid ahaayeen, isagoo ku eedeeyay weerarrada lagu ugaarsanayo wariyeyaasha Al-shabaab oo uu ku tilmaaay koox aan doonayn nabad dalka ka dhalata.

Sheekh Axmed Shuqul waxa uu sheegay in gargaarka lagu gaarsiiyo dadka dhibaateysan diyaarado hawada looga soo daadiyo, taasi oo kooxaha raashinka boobaya ee Shabaab aanay awood u lahayn inay dadka ka boobaan raashinka gargaarka ah.

Mas'uul ku hadlay magaca Ansaaru-sunna, Sheekh Axmed Sugow ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed xaq loogu leeyahay inay si ficil ah uga hortagaan boobka lagu hayo raashinka gargaarka ah ee ku socda dadka tabaaleysan iyo kuwa kasoo barakacay deegaannadooda.

Wuxuu caddeeyay in culumaa'udiinka ay door firfircoon ka qaateen la dagaallanka kooxaha Al-shabaab, iyadoo boqol tallaabo ka yar loo jiro xarunta madaxtooyada, isla markaana dadka tusay in kooxahaan lala dagaalami karo.


Sheekh Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa culumaa'udiinka ahlusunna ee iyagu ka qeyb-galay kulanka wuxuuna si weyn uga hadlay kooxaha Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, isagoo ku tilmaamay koox diidan in Islaamka aan lasoo gelin.

Kulanka ayaa waxaa loogu baaqay dowladda cusub inay u howlgasho sidii ay dhibka uga dul qaadi lahayd shacabka Soomaaliyeed, ayna uga hortegi lahayd Al-shabaab oo dadka iyo dalka dhibaato ku haysa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya