Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa qorsheysanaysa inay dalka Soomaaliya u soo dirto kumannaan askari oo ay ku xoojinayso ciidamadii kaga sugnaa Soomaaliya si ay gacan uga siiyaan dowladda Soomaaliya dadaalka ay nabadda dalka kusoo celinayso.
Ilo wareedyo hoose oo ay heshay HOL ayaa sheegaya in xukuumadda Itoobiya ay waddo qorshe ay ku doonayso inay ciidamadeedu ku dhaqaaqaan deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya, iyagoo horay ugu sugnaa degmooyin iyo deegaanno ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ku sugan yihiin gobollada ku yaala xuduudda ay labada dal wadaagaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Galguduud, Hiiraan, Bay, Bakool iyo Gedo, iyagoo deegaannada kula dagaalamayay Al-shabaab tan iyo dhammaadkii sannadkii hore.
Ra'iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, Haile Mariam Desaleng oo xilka loo dhaariyay toddobadkii hore ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay caawiyaan Soomaaliya tan iyo inta ay dalkooda uga soo celinayaan ammaanka iyo kala dambeynta.
Desaleng ayaa kulan uu Muqdisho kula yeeshay bartamihii bishan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo la caleemo saaray ayaa u ballanqaaday inay xukuumaddiisu gacan ka geysan doono xasilinta dalka.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badan yihiin 20,000 oo askari oo wata qalab dagaal oo ay ka mid yihiin taangiyo, iyadoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee lagu kordhinayo ciidamadaas horay u joogay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Itoobiya oo Qorsheynaysa inay kordhiso Ciidamadeeda ku sugan si taageero u siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya
More News
- BAROOR-DIIQ: Dadkii lagu xasuuqay qaraxii Muqdisho ka dhacay (VIDEO)
- Golaha Wakiiladda Somaliland oo dood adag ka yeeshay Xeerka Guddiyada Maamul-Wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa
- Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan uu Muqdisho ku yeeshay uga hadlay arrimo fara badan iyo xildhibaanno la dhaariyay
- Kulan looga hadlay Aragtida Islaamku uu ka qabo boobka gagaarka loogu talogalay dadka dhibaateysan oo Muqdisho lagu qabtay
- Ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku dagaalamay Deegaanka Lafoole oo ee duleedka Magaalada Muqdisho
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta yeelanaya kulankii ugu horreeyay tan iyo markii ay doorteen Madaxweynaha
- Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay gargaar bani'aadamnimo oo Dadweynaha Ciraaq ay ugu deeqeen Shacabka Soomaaliyeed
- Ra'iisul Waasaraha xilligiisu dhammaaday oo Soomaaliya uga qaybgalaya Shirka Guud ee Qaramada Midoobay
- Ciidamada Kenya oo Deegaanka Jannaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Xoolo dhaqato Soomaaliyeed