3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2012
Ciidamada Kenya oo Deegaanka Jannaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Xoolo dhaqato Soomaaliyeed
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shacab Soomaaliyeed oo xoolo dhaqato ah ku laayay deegaanka Janaay-Cabdala oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida uu saxaafadda u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubbooyinka, Col. Aadan Axmed Xirsi (Rufle).

Afhayeenka oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dileen toddoba qof oo ka mid ah sagaal qof oo ay soo qabteen labadii qof ee kalena ay gaareen dhaawacyo aad u daran.

"Weerar ay Al-shabaab soo qaaday kaddib ayay ciidamada Kenya waxay shacab kasoo qabteen deegaanno ku dhow deegaanka Janaay-Cabdalla wayna laayeen," ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada dowladda, isagoo ka dalbaday madaxda dowladda Soomaaliya inay arrintaan wax ka qabtaan, maadaama ciidamadan ay ku amar dowladeed.

Col. Rufle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dadka ay ciidamada Kenya dileen ay ahaayeen xoolo dhaqato aan wax lug ah ku lahayn dagaallada, isagoo sheegay in falkan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo ciidamada Kenya ka sameeyaan gudaha Soomaaliya.

"Markii aan saraakiisha Kenya u sheegno inay cudur-daar ka bixiyaan iyo magdhow ka bixiyaan dadka shacabka ah ee ay ciidamadoodu dilaan waxay noogu jawaabaan waxaan dhiiggeenna u daadinayno waa inaan xoreyno Soomaalida," ayuu afhayeenku ku sheegay warbixintiisa.

Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo dilalkan ay su'aalo ka weydiistay BBC-da ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan, haddii ay cadaatana go'aan laga qaadan doono.

"AMISOM waxay diyaar u tahay inay qaadato haddii ay gef geysato, arrintanna waa la baarayaan haddii ay cadaatana go'aan ayaa laga qaadan doonaa," ayuu yiri Col. Xumud oo u dhashay dalka Jabuuti.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, ayaa waxay si iskood ah uga soo talaabeen soohdinta qaybisa labada dal bishii Oktoobar ee sannadkii hore, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal ammaan-darro oo gudaha dalkooda ka dhacay, balse horraantii sannadkan ayay ku biireen howgalka AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/24/2012 11:20 AM EST
Isniin, September 24, 2012(HOL): 20-kii bishan waxaa Muqdisho ka dhacay labo qorax oo geystay khasaare aad u faro badan, waxaana qaraxyadaas ku dhintay dad badan oo ay ku jireen wariyayaal caan ah oo ka howl-gelayay TV-ga Qaranka iyo Idaacado Muqdisho ka howlagala, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay dad aad u badan oo sidoo kalena ay wariyayaal ka mid ahaayeen.

9/24/2012 7:03 AM EST
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa dood adag ka yeeshay xeerka guddida maamul-wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqu ay ku shaqayn lahaayeen.

9/24/2012 6:55 AM EST
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen waxyaabihii tan iyo markii la dhisay u qabsoomay, iyadoo sidoo kale la dhaariyay maanta labadii mudane ee ugu dambeeyay baarlamaanka, kuwaasoo buuxiyay kuraasta baarlamaanka.

9/24/2012 6:54 AM EST
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay qaabka lagu badbaadin karo amaba looga hortegi karo boobka kooxda loo geysto raashinka gargaarka ah ee loogu talogalay dadka dhibaateysan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo agaasiintay hay'adda CCD.

9/24/2012 6:30 AM EST
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay iskahorimaad ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada hoose, kaasoo u dhexeeyay ciidammo dowladda kawada tirsan.

9/24/2012 3:05 AM EST
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeelanaya maanta xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, kaasoo aan la ogeyn ajandayaasha ay uga hadli doonaan.

9/24/2012 2:59 AM EST
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa la wareejiyay deeq bani'aadamnimo oo shacabka dalka Ciraaq ay ugu deeqeen shacabka Soomaaliyeed, iyadoo markabka waday deeqdan oo culeyskeedu yahay 13,500 tan uu shalay oo Axad ahayd kusoo xirtay dekedda Muqdisho.

9/24/2012 2:42 AM EST
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa qorsheysanaysa inay dalka Soomaaliya u soo dirto kumannaan askari oo ay ku xoojinayso ciidamadii kaga sugnaa Soomaaliya si ay gacan uga siiyaan dowladda Soomaaliya dadaalka ay nabadda dalka kusoo celinayso.

9/24/2012 2:31 AM EST
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaadka yahay, C/weli Maxamed Cali ayaa xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada New York ee dalka Mareykanka, isagoo Soomaaliya ku matalaya shirkaas.