4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2012
Golaha Wakiiladda Somaliland oo dood adag ka yeeshay Xeerka Guddiyada Maamul-Wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa dood adag ka yeeshay xeerka guddida maamul-wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqu ay ku shaqayn lahaayeen.

Xeerkan oo hore u soo diyaarsadeen guddid Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ayey guddi hoosaadka daba galka iyo ilaalinta hantidda Qaranka ee golaha Wakiiladda wax ka bedel ku sameeyeen, isla markaana tashiyo iyo Siminaaro ay u qabteen ururadda bulshadda iyo guddi hoosaadyada labadda gole Baarlamaan ka sameeyey xeerkii lagu dhaqi lahaa guddidaasi.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland Md:Aadan Tarabi Oogle ayaa golaha warbixin ka horjeediyey, isagoo faah-faahin ka bixiyey heerkii kala duwanaa ee uu soo maray xeerkan, isagoo tilmaamay in is qabqabsiga wasiirada qaarkood iyo wasaaradaha dhexdoodda khilaafka ku yimaada ay masuul ka tahay nidaam la’aanta iyo shaqooyinkii ay kala qaban lahaayeen oo xadaysnayn.

Sidoo kale,, waxa uu gudoomiyuhu tilmaamay in guddidan maamul wanaaga iyo Hanti dhawraha Qaranku shaqadooddu isa soo galeen, isla markaana ay shaqooyinkoodii u kala cadeeyeen, iyago hanti dhawraha shaqadiiisa ku koobay baadhista maaliyadda, halka guddida maamul wanaaga  iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ka dhigay xuuraanka iyo wixii ay maqlaan ee musuqmaasuq ah inay daba galaan lana shaqaynayaan hanti dhawraha maxkamadda geyn karaan ciddi lagu tuhmo musuqmaasuq.

“ halkan waxaanu ku haynaa xeerkii aasaaska guddidda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, waa xeer xasaasi ah, qoladan guddiida maamul wanaagu waxay keeneen buug dhan oo xeer ay soo samaysteen ah, golaha Guurtidda markii loo keenay afar xaashiyadood ayey ka soo reebeen”ayuu yidhi Gudoomiyaha guddi hoosaadka dabagalka hantida Qaranka Aadan Tarabi.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in hay’adan shaqadeeda tahay inay kala saarto wasaaradaha isku qabta shaqooyinkooda iyo inay kala xadido mid waliba waajibaadkeeda shaqo, waxaanu tusaale u soo qaatay afar wasaaradood oo hal mashruuc oo ay hay’ad ka qaateen isku qabsaday oo mid waliba yidhi waa shaqadayadii. “waxa jira mashruuc la yidhaa ilaalinta Caruurta (Child protection)  ay afar wasaaradood isku haystaan, anaga leh iyo anaga leh, wasaaradda arrimaha bulshadda iyo Qoyska,  wasaaradda cadaalada, waxbarashadda, iyo wasaaradda caafimaadka ayaa isku qabsaday, marka hay’adani waa tii kala saari lahayd”ayuu yidhi Tarabi Oogle.

“guddidda maamul wanaaaga shaqadeedu waxa weeyi kala jihaynta wasaaradaha iyo isku xidhka iyo qaabka ay u wada shaqaynayaan, iyago kala tashataan hanti dhawraha hadii aad u baahan tihiina guddi hoosaad dabagalka hantida qaran ee Wakiilada waa idiin diyaar oo way idinla hawlgalaysaa”ayuu raaciyey.

Golaha Wakiiladda ayaa warbixintaasi ka dib dood ka yeeshay qaab dhismeedka guddida maamul wanaaga, iyagoo soo jeediyey in toddoba xubnood ay noqdaan guddidaasi, isla markaana madaxweynuhu soo magacaabo, xilkana ka qaadi karo, laakiin labadda jeerba ay ansixinteeda ay leeyihiin baarlamaanku oo ay diidi karaan, ogolaan karaana, iyagoo tilmaamay in sidii wasiir oo kale aanay u shaqayn doonin, balse ay ka madax banaan yihiin.

Xildhibaanadda qaar ayaa iyaguna soo jeediyey in guddidan awood loo siiyey in musuqmusuqa ay soo baadhaan maxkamadda u gudbin karaan, lana soo taagi karo maxkamadda, isla markaana madaxweynahana la ogaysiinayo, saddexdii biloodba mar ay warbixin usoo gudbin doonaan baarlamaanka.

Doodan xeerkan ayaa socon doona maalmaha soo socda, iyadoo hadhowna cod loo qaadi doona natiijadda doodaas, inkastoo xildhibaanadda qaarkood ku doodeen in shaqadii hanti dhawraha iyo guddida maamul wanaaga iyo la dagalanka musuqmaasuqi ay isa soo galayaan oo loo baahan yahay in aanay isku murgin oo mid walba la cadeeyo shaqadoodda.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland