Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaadka yahay, C/weli Maxamed Cali ayaa xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada New York ee dalka Mareykanka, isagoo Soomaaliya ku matalaya shirkaas.
C/weli Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Ummadaha Midoobay, isagoo hadal ka jeedin doona shirka golaha ammaanka maalinta Khamiista ah ee soo socota, iyadoo la sheegay in madaxweyaha cusub Soomaaliya ee uu horay u sheegay inuusan ka qaybgalayn shirka.
"Ra'iisul wasaaraha aad ayaa loogu soo dhaweeyay New York, wuxuuna Soomaaliya ku matalayaan ka qaybgalka shirka," ayuu yiri Cumar Jamaal, iyadoo ra'iisul wasaaraha uu xilligiisu dhammaaday la sheegay inuu wakiishay madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay inuu ka baaqday ka qayb-galka shirka guud ee Qaramada Midoobay, isagoo taas ku sababeeyay inay horyaallaan howlo badan, sidaa daraadeedna uusan dalka ka tagi karin.
Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in C/weli Gaas uu Soomaaliya uga qaybgalo shirar looga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka, kuwaasoo ka dhici doona dalka Mareykanka.
Beesha caalamka ayaa waxay indho gaar ah ku haysaa Soomaaliya, tan iyo markii laga baxay bishii Ogoosto ee sannadkan xilligii KMG ahaa ee dowladihii hore ay ku shaqeyn jireen, waxaana tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub safarro ku tagayay Muqdisho xubno ka socda beesha caalamka, si ay ula kulmaan hoggaamiyaha cusub ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ra'iisul Waasaraha xilligiisu dhammaaday oo Soomaaliya uga qaybgalaya Shirka Guud ee Qaramada Midoobay
More News
- BAROOR-DIIQ: Dadkii lagu xasuuqay qaraxii Muqdisho ka dhacay (VIDEO)
- Golaha Wakiiladda Somaliland oo dood adag ka yeeshay Xeerka Guddiyada Maamul-Wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa
- Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan uu Muqdisho ku yeeshay uga hadlay arrimo fara badan iyo xildhibaanno la dhaariyay
- Kulan looga hadlay Aragtida Islaamku uu ka qabo boobka gagaarka loogu talogalay dadka dhibaateysan oo Muqdisho lagu qabtay
- Ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku dagaalamay Deegaanka Lafoole oo ee duleedka Magaalada Muqdisho
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta yeelanaya kulankii ugu horreeyay tan iyo markii ay doorteen Madaxweynaha
- Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay gargaar bani'aadamnimo oo Dadweynaha Ciraaq ay ugu deeqeen Shacabka Soomaaliyeed
- Itoobiya oo Qorsheynaysa inay kordhiso Ciidamadeeda ku sugan si taageero u siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya
- Ciidamada Kenya oo Deegaanka Jannaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Xoolo dhaqato Soomaaliyeed