4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2012
Roobab Saacado badan qaatay oo xalay mar kale ka da’ay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Roob bilaawday 11:00 habeenimo ee xalay soona garay saakay waabarigii hore ayaa xalay mar kale ka da’ay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhufteen daaadad ka dhashay wabiga Shabeelle oo buux dhaafay iyo roob mudo dheer qaatay oo ka da’ay magaalada.

Inkastoo marka la eego dhibicda roobkii xalay uusan aheyn mid la mid ah kii dhawaan dhaliyay fatahaadii uu sameeyay wabiga Shabeelle, ayaa hadana waxaa uu shaki badan ku abuuray dadka ku dhaqan magaalada oo ka cabsi qabay in mar kale biyo ku soo rogmadaan xaafaddaha iyo guryaha ay ku nool yihiin.

Ma jiraan qoysas ku barakacay roobkii xalay ka da'ay magaalada Baladweyne, laakiin haddana dhinaca kale waxaa uu hoos dhigay rajadii ay qabeen in badan oo ka mid ah dadkii dhawaan ku barakacay daafaha magaalada ee isku diyaarinayay in ay dib guryahooda ugu soo laabtaan, iyaga oo ka baqaya fatahaad ka dhalata roobka wali da’aya.

Kumanaan qoysas ah oo ka mid ah dadkii ka barakacay fatahaadii dhawaan uu sameeyay wabiga Shabeelle ayaa hadda daadsan dhul banaan ah kuwaasoo ku hoos nool guryo cooshado ka sameysan, waxaana xalay oo dhan dushooda ku dhacayay dhibicdii cusleyd ee roobkii xalay ka da’ay magaalada .

Roobabka wali ka sii da’aya Baladweyne iyo deegaannada ku dhaw dhaw ayaa sii xumeyn kara xaalada dadka barakacayaasha ee ku dhaqan duleedka magaalada kuwaasoo jeclaan lahaa in ay mar uun dib ugu laabtaan gurihii ay ka soo barakaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya