4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la qorsheynayo in Arbacada Berri ah uu hortago Baarlaamaanka si cod loogu qaado
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta Arbacada Berri ah uu hortago baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado, sida ay sheegeen mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa xilka ra'iisul waasarenimo waxaa loo magacabaay lixdii bishan Oktoobar, iyadoo baarlamaanku uu dalbaday maalin ka hor in lagu keeno laba maalmood gudahood si codka kalsoonida ah loogu qaado.

"Sida uu guddoomiyaha baarlamaanka noo sheegay ra'iisul wasaaruhu wuxuu hor-imaanayaa baarlamaanka maalinta Arbacada ah ee soo socota," ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo wareysi gaar ah siinayay BBC-da laanta afka Soomaaliga.

Xildhibaan Jeesoow wuxuu sheegay inay marka hore dhageysan doonaan sida uu doonayo inuu xukuumadda kusoo dhiso iyo sida uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota, markaas kaddib ayaana codka loo qaadayaa, in la ansixiyana waxay ku xiran tahay hadba sida loogu qanco hadalladiisa.

Dastuurka dalka ayaa dhigaya in ra'iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa hal mar la ansixiyo, iyadoo aan la ogeyn sababta looga boodayo qodobkan dastuuriga ah, balse mudane Jeesoow ayaa sheegay in ra'iisul wasaare aan ansaxsanayn oo aan la dhaarin uusan howl qaban karin.

"Waxay ila tahay in ra'iisul wasaare aan sharci ahayn aanu howl dastuuri ah qaban karin, taas ayaana keentay in ra'iisul waasaraha looga yeero baarlamaanka si cod loogu qaado," ayuu yiri xidlhibaan Jeesoow.

Inkastoo ay socdaan shirar hoosaadyo ku saabsan ansixinta ra'iisul wasaaraha ayaa haddana waxaan la ogeyn halka uu u dhici doono go'aanka baarlamaanka, iyadoo haddii ra'iisul wasaaraha cusub uu kalsoonida baarlamaanka helo laga doonayo inuu laba toddobaad gudahood kusoo dhiso xukuumaddiisa.

Maxamed Xaaji, Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya