4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2012
Hay'adda Samafalka WAANO oo Munaasabad lagu xusayay Maalinta Cunada Adduunka ku qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Hay'adda samafalka Waano oo ka mid ah hay'adaha ka howlgala Soomaaliya kana shaqeysa nafaqeynta caruurta iyo hooyooyinka ayaa waxay Muqdisho ku qabatay xuska maalinta cunnada adduunka oo ku beegan maanta oo ay bishu tahay 16-ka Oktoobar.

Xubnihii xuskan ka qaybgalay ayaa waxay isugu jireen kuwo ka socday ururrada bulshada rayidka ah, mas'uuliyiin ka socotay dowladda iyo barakacayaasha ku jira xeryaha qoxootiga, kuwaasoo dhibaato badan ku qaba inay helaan cunno ku filan oo ay ku noolaadaan.

"Waxaa wanaagsan in dadka beeraleyda iyo xoolaleyda ah ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay markii hore kasoo barakaceen ayna ku dadaalaan sidii ay u hormarin lahaayeen wax soo saarka beeraha, intii ay gacan shisheeye wax ka sugi lahaayeen," ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Soomaaliya Maxamuud Maxamed Maxamuud oo hadal ka jeediyay xuska.

Sidoo kale, xuska waxaa ka hadlay qaar ka mid ah barakacayaasha Muqdisho ku nool; kuwaasoo sheeagy inay dhibaato xooggan ku qabaan helidda cunno ay maalintii ku noolaadaan, iyagoo dalbaday in la caawiyo.

Maanta oo kale sannad walba waxaa dunida laga xusaa maalinta cunnada adduunka iyadoo la sheegay in 870-milyan oo qof ay dunida ku haysato cunno la'aan, kuwaas oo la sheegay inay intooda badan ku nool yihiin dalalka ku yaalla Qaaradaha Afrika iyo Aasiya.


Madaxa hay'adda samofalka Waano, Cudbi Cumar Abuukar oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa'iideystaan kheyraadka dalkooda ceegaaga ayna wax soo saarka beeraha kordhiyaan.

"Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku casuumo xuska maalinta cunnada adduunka ku asteysan dadka barakacayaasha ah ee ku jira kaamamka Muqdisho si loo dareensiiyo inay wanaagsan tahay inay ka faa'iideystaan khayraadka dalkooda," ayay tiri Marwo Cudbi Cumar.

Sidoo kale, Cudbi waxay sheegtay in hay'adda ay madaxda u tahay ay caawiso dad badan oo barakacayaal ah, kuwaasoo siiso waxbarasho ku aaddan sida looga hor-tegi karo nafaqo la'aanta, iyadoo maalamaha ay wax baranayaan siisa lacagihii ay soo shaqeysan lahaayeen.

"Waxaan cunno nafaqeysan siinnaa caruurta iyo haweenka nafaqo-darradu hayso, runtiina waan ku faraxsannahay inaan u shaqeyno shacabkeenna, sidoo kalena aan barno raashinka laga helo nafaqada iyo sida loo isticmaalo," ayay Cudbi hadalkeeda ku dartay.

Xuska ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay haweeney ka mid ah kuwa qubo-joogta Soomaalida ah ee caawiya hay'addan, iyadoo sheegtay inay la socdaan xilli walba dhibaatooyinka haysta barakacayaasha ku nool Muqdisho, ayna dadaal u galayaan sidii ay u kordhin lahaayeen caawinaaddooda.


Dhanka kale, xafladda waxaa lagu soo bandhigay raashinka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kuwa laga helo nafaqooyinka kala duwan ee jirka bani'aadamku u baahan yahay, iyadoo ay sharraxaad ka bixinayeen raashinkaas dhaqaatiir da'yar ah oo Soomaaliyeed, kuwaasoo barta habka nafaqeynta.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya