4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2012
Kulan looga hadlayay Dhibaatooyinka Dumarka loo geysto oo lagu qabtay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose


Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka gobolka Shabeellada Hoose, ururrada haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Marka ayaa lagu qabtay maanta degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxda dowladda ee ka qaybgalay kulanka ayaa waxay kala ahaayeen: sii-haya xilka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise, taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Siidi, taliyaha ciidmada AMISOM ee gobolka Shabeellada Hoose, Jan. Michel Odongo iyo taliyaha AMISOM ee degmada Marka, Col. Charles.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir Siidi oo kulanka ku furay hadal ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay kulanka arrimaha haweenka looga hadlayo ee lagu qaabtay degmada Makro, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay waxyaabaha ay dowlad ahaan si weyn u raadinayeen.


Sidoo kale, Siidii ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii Al-Shabaab ay ka geysteen gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan magaalada Marka; isagoona in xoogagii Al-shabaab ay dadka degmadaan ku nool ay si khasab ah uga qaadan jireen xoolo iyo maal fara badan; kuwaasoo uu sheegay in la siin jiray dagaalyahanno ajnabi ah.

“Waxaan hay’adda CCD uga mahadcelinaynaa kulankan ay ku qaabtay magaalada Marko oo ka mid ah magaalooyinka ugu ilbaxnimada fog Soomaaliya si ay dadka ku nool degmadan uga tashadaan aayahooda uguna midoobi lahaayeen kaddib muddo sannado ah oo ay xukunka Al-shabaab ku hoos jireen,” ayuu guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ku sheegay khudbadii uu ku furay kulanka.


Taliyaha AMISOM ee gobolka Shabeellada Hoose; Jan. Michel Odonga oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa kula dardaarmay haweenka ku nool degmada Marka inay la si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, isagoo ku ammaanay dadka ku dhaqan degmada Marka inay yihiin dad nabadda jecel.

Xuseen Carab Ciise oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ay ku dhaceen dhibaatooyinkii ugu badnaa ee dalka ka dhacay, isagoo sheegay in qudhiisa ay ku khasabtay inuu dowladda ka mid noqdo, kaddib markii haweenka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala kulmeen Al-shabaab.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen in ka badan 100 haween ah oo deggen magaalada Marko ayaa waxaa la isku dhaafsaday fikrado iyo talooyin ku aadan sidii loo cirib-tiri lahaa dhaqamada xun-xun ee lagu dhibaateeyo haweenka.

Taliyaha AMISOM ee gobolka Shabeellada Hoose, Jen. Michel Odongo ayaa khudbad gaaban ka jeediyay kulanka isagoo caddeeyay in dadka magaaladaas ay yihiin dad wanaagsan oo nabadda jecel, sidaas daraadeedna uu ku boorrinayo haweenka inay kaalin mug leh ka qaataan nabad kusoo dabaalidda degmada iyo sidii ay ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM ugala shaqeyn lahaayeen dhinaca nabadeynta.


Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya, Jan. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo isna hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed mar kasta ay yihiin hormuudka bulshada, wuxuuna soo qaatay halgamadii kala duwana ee ay soo mareen laga soo billaabo markii loo dagaalamayay gobonimada dalka illaa maanta ay ahaayeen kuwo u taagan badbaadinta bulshada Soomaaliyeed.

“Haweenka degmada Marka iyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay soo celiyaan halgankoodii ku saleysnaa badbaadinta shacabka si ay nabad u helaan, arrintaasina dowladdu waxay la garab-joogtaa wixii taageero ah oo ay u baahdaan,” ayuu yiri taliye milateriga Soomaaliya.


Dhinaca kale; waxaa halkaas khudbado kala duwan ka jeediyay guddoomiyaha haweenka hay’adda CCD, Sahro Max'ud Amiin, xoghayaha ururka haweenka Qaranka, Faadumo Aadan Cosoble iyo mas'uuliyiin kale.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay hay'adda CCD ay ku qabato degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen bishii hore, iyadoo hay'addan ay kulammo noocan oo kale ah horay ugu soo qabatay degmooyinka: Afgooye, Balcad iyo Baldweyne oo ka mid ah degmooyinka laga qabsaday Al-shabaab.






Maxamed Xaaji, Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya