Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Dab geystay khasaare maaliyadeed oo xoog leh ayaa xalay ka kacay xerada Xagar-dheer oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana halkaas ku gubtay dukaanno fara badan.
Goobjoogayaal ku sugan Xerada ayaa sheegay in suuqii uu xalay dabku ka kacay uu gabi ahaantiis baaba'ay, iyadoo dukaannada ku gubtay suuqaas ay ku jiraan xarumo ay lahaayeen shirkadaha xawaaladaha ee Hodan Global iyo Amal. Inkastoo aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo uu dabkaas dhaliyay.
"Dabku wuxuu kacay xalay saqdii dhexe, lama oga waxa sababay. Habeenkii lama soo bixi karo waayo xaaladda ammaan ayaan wanaagsanayn; taasina waxay keentay in tiro ka badan labaatan dukaan ay ku gudbtaan xerada," ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadii dukaamada ku lahaa xeradaas oo saxaafadda la hadlay.
Booliiska Kenya ayaa saakay billaabay baaritaanno ay ku ogaanayaan sababtii keentay in dabkaas khasaaraha maaliyadeed geystay uu ka kaco xerada Xagar-dheer, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco xeryaha qoxootiga.
Lama oga inta uu le'eg yahay khasaaraha maaliyadeed ee xeradaas ka dhashay, basle wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu gaarayo malaayiin doollar oo ay ku jireen lacago caddaan ah oo ku gubtay dukaannada uu xalay dabku baabi'iyay.
Dabkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay lagu dilay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab mid ka mid ah guddiga ammaanka ee xeradaas, kaasoo ay toogteen rag wajiyada qarsaday oo dilka kaddib baxsaday.
Maxamed Xaaji, Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dab baab'iyay Suuqa Xerada Qoxootiga Xagar-dheer oo ka mid ah Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya
More News
- Dacwadda Nin Soomaali ah oo loo haysto inuu dilay wiil uu adeer u ahaa oo ka socota Magaalada Buffalo ee Gobolka New York
- Hay'adda Samafalka WAANO oo Munaasabad lagu xusayay Maalinta Cunada Adduunka ku qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Roobab Saacado badan qaatay oo xalay mar kale ka da’ay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Ciidanka Booliiska Degmada Boorame oo si hubsiimo la’aan ah u weeraray Guri ay ku noolaayeen Qoys Shacab ah
- Kulan looga hadlayay Dhibaatooyinka Dumarka loo geysto oo lagu qabtay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose
- Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellada Hoose
- Golaha Wakiillada Somaliland oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka ay ku shaqeyn doonaan Sirdoonka Somaliland
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la qorsheynayo in Arbacada Berri ah uu hortago Baarlaamaanka si cod loogu qaado
- Maxkamadda sare ee dalka oo soo saartay amar lagu mamnuucayo in la qaado lacago aysan ogeyn hay'adaha dhaqaalaha dalka