Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey xeerka ay ku shaqeynayaan sirdoonka Qaranka oo maalmihii u dambeeyey laga doodayay.
Fadhigan waxa shirgudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi, ahna ku simaha gudoomiyaha golahaasi Md.Baashe Maxamed Faarax, waxaana soo xaadiray 42 mudane, kuwaas oo hore uga soo dooday xeerkan oo ah mid xasaasi ah oo lagu dhaqi doono hay’ada sirdoonka Qaranka Somaliland.
Gudoomiyaha golaha Wakiiladda ayaa soo jeediyey in cod loo qaado si loo meel mariyo iyo in dib loo eego, waxaana ogolaaday 34 xildhibaan in la ansixiyo, waxaana diiday shan xildhibaan, halka laba xildhibaan ka aamusay, gudoomiyuhuna aanu codayn, sidaasnba ku meel maray.
Xeerkan ha’ada Sirdoonka Qaranka lagu dhaqi doona ayaa laga dhigay mid madax banaan, wallow aan warbaahinta loo ogolaan in la siiyo xeerkan, maadaama oo xeer xasaasi ah yahay, ka hor inta aan la ansixin xeerka waxay guddida hoosaadka Arrimaha guduhu shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen Taliyaha Sirdoonka Qaranka, kaas oo warbaahinta loo diiday inay goob joog ka ahaadaan warbixintaasi.
Xeerkani waxa uu wax ka tari doonaa qaabkii hore ee ay u dhaqmi jireen sirdoonku, iyagoo sharci la’aan iska gali jiray guryaha xaafadaha wakhti aan ku munaasib ahayn, waxaana toddobaadyadii u dambeeyey isa soo tarayey guryo dad shacab ah leeyihiin oo sirdoonka iyo ciidamada u tababaran la dagaalanka argagixisadu ay habeen badhka u daadanayeen guryo shicib ah, taas oo cabsi iyo naxdin ku beertay qoysaskii ay hawlgalkani saameeyey, waxaana la filaya in xeerkani kala qeexi doono waxa u banaan iyo waxa aan u banaanyn marka ay ku jiraan hawl-galada wax ku baadhayaan.
Maalmihii u dambeeyey ayaa golaha Wakiiladdu xeerar wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameeyeen cod ku meel mariyeen, kuwaas oo u kala gudbay golaha Guurtidda iyo Madaxweynaha, waxaana laba cisho ka hor ay ansixiyeen xeerka guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuq oo dhawr todobaad ay ka doodayeen.
Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxamed Faarax ayaa guddi hoosaadyada golaha ku war geliyey in xeerarka ay hayaan ay hor keenaan golaha, si wax ka bedel iyo kaabis loogu sameeyo.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Golaha Wakiillada Somaliland oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka ay ku shaqeyn doonaan Sirdoonka Somaliland
More News
- Dacwadda Nin Soomaali ah oo loo haysto inuu dilay wiil uu adeer u ahaa oo ka socota Magaalada Buffalo ee Gobolka New York
- Hay'adda Samafalka WAANO oo Munaasabad lagu xusayay Maalinta Cunada Adduunka ku qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Roobab Saacado badan qaatay oo xalay mar kale ka da’ay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Ciidanka Booliiska Degmada Boorame oo si hubsiimo la’aan ah u weeraray Guri ay ku noolaayeen Qoys Shacab ah
- Kulan looga hadlayay Dhibaatooyinka Dumarka loo geysto oo lagu qabtay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose
- Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellada Hoose
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la qorsheynayo in Arbacada Berri ah uu hortago Baarlaamaanka si cod loogu qaado
- Dab baab'iyay Suuqa Xerada Qoxootiga Xagar-dheer oo ka mid ah Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya
- Maxkamadda sare ee dalka oo soo saartay amar lagu mamnuucayo in la qaado lacago aysan ogeyn hay'adaha dhaqaalaha dalka