6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Madfac khasaare nafeed geystay oo xalay ku dhacay degmada Hodan iyo Qarax saaka ka dhacay Degmada Wardhiigley

Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo qoys kasoo wada-jeeda ayaa ku dhintay, sagaal kale way ku dhaawacmeen kaddib madfac aan la garanayn halka uu ka yimid oo xalay ku dhacay xaafadda Zone-K ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Shanta qof ee ku dhintay madfaca ayaa waxay isugu jireen saddex qof oo waaweyn iyo laba cunug oo yaryar, kuwaasoo midkood uu ku dhintay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in madfaca khasaaraha geystay uu ku habsaday guri ku yaalla xaafaddaas, uuna halkaas ka geystay geerida iyo dhaawaca dhowr qof oo kale, halka dadka dhaawacmay ay ku jiraan dad daris la ahaa guriga uu madfacu ku dhacay.

Lama oga halka uu madfacan ka yimid, waxaase warar aan la hubin ay sheegayaan inuu ahaa mid ka baxsaday saldhigyo ku yaalla Muqdisho, iyadoo isbitaalka Madiina lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay madfacaas.

Howl-wadeennada isbitaalka ayaa sheegay in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo halis ah, mid ka mid ahna uu saakay ku dhintay isbitaalka, iyadoo tani ay cabsi weyn ku beertay dadka ku nool xaafadda uu madfacu ku dhacay.

Madfac kale oo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa isagana xalay ku dhacay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicdan uu midkood khasaaraha geystay laga maqlay xalay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Qarax miino oo saakay ka dhacay xaafadda Xararyaalle ee degmada Wardhiigley ayaa geystay dhaawacyada saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, halka ruux kalena ay ahayd haweeney rayid ah.

Miinada qaraxa sameystay ayaa la sheegay inay ka mid ahayd miinooyin ay arkeen ciidamada dowladda ayna halkaas ka saarayeen, balse ay si lama filaan ah qarax u sameysay, inkastoo aysan sababin wax dhimasho ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/8/2012 10:08 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay madaafiic xalay ku dhacday xaafadda Zone-K ee degmada Hodan, iyadoo tirada dadkii ku dhintay ay gaartay sagaal qof, kuwaasoo afar ka mid ah ay kasoo jeedeen qoys keliya.

5/8/2012 9:02 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta Muqdihso ku qaabilay wafdiyo kala duwan oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Midowga Yurub.

5/8/2012 8:55 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta beeniyay warar maalmihii ugu danbeeyayba si weyn u hadal hayeen warbaahinta Soomaalida kuwaasoo sheegaya in ciidammo ka socda dalka Jabuuti qeybna ka ah AMISOM ay gaareen magaalada Beledweyne.

5/8/2012 8:28 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Sanad-guuraddii tobanaad ee ka soo wareegtay Geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa xalay lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

5/8/2012 8:20 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kusoo bandhigtay xarunteeda Muqdisho saddex dhallinyaro ah oo ay sheegtay in Al-shabaab ay ka tirsanaayeen, mid ka mid ahna uu doonayay inuu is-qarxiyo.

5/8/2012 7:59 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Kulankan oo ahaa kii 13-aad socdayna muddo laba maalmood ah ayaa maanta lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxay qodobbo ay ka mid yihiin in la adkeeyo ammaanka dalka iyo weliba deegaannadii Al-shabaab laga qabsaday.

5/8/2012 7:15 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan oo maalintii shalay goob joog ka ahaa kulan ay gollaha deegaannka degmada Beledweyne ku soo dooranayeen Duqa degmada, ayaa sheegay in uu soo dhamaaday waqtigii bulshada loo soo magacaabi jiray hogaan-ka, laakiin wixii hadda ka danbeeya la doonayo in dadku iyaga soo doortaan cidii ay doonayaan.

5/8/2012 7:13 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ka soconayo Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalada ee Nairobi dibad-bax ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen ganacsatada xaafadda, kaasoo ay uga cabanayaan amni darrida kusoo badaneysa Xaafadda.

5/8/2012 7:13 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhaxmaray deegaanka lagu magacaabo Waro-dhuumaleh oo gobolka Galguduud ka tirsan xoogagga Ahlusunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Al-shabaab.

5/8/2012 3:51 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Haweeneyda madaxda ka ah hay'adda UNESCO oo Qaramada Midoobay u qabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ayaa maanta ugu baaqay dowladda KMG ah inay cadaaladda horkeento kuwa caadeystay dilka suxufiyiinta Soomaalida.

5/8/2012 3:36 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, danjire Augsutine Mahiga ayaa muujiyay rajo uu ka qabo in xilliga KMG ah ee ay ku shaqeynayso dowladda KMG ah lasoo af-jaro bisha Ogoosto ee sannadkan 2012.

5/8/2012 3:12 AM EST
Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo laba ka mid ah ay ka mid ahaayeen shaqaalaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa lagu dilay xalay Muqdisho, waxaana dilkaas geystay rag bastoolado ku hubeysan oo wajiga qarsaday.