4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Kulan laba maalmood Muqdisho uga socday Guddiga Wadajirka Amaanka Soomaaliya oo maanta lasoo gabagabeeyay


Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Kulankan oo ahaa kii 13-aad socdayna muddo laba maalmood ah ayaa maanta lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxay qodobbo ay ka mid yihiin in la adkeeyo ammaanka dalka iyo weliba deegaannadii Al-shabaab laga qabsaday.

Shirkan ayaa waxaa dowladda KMG ah uga qaybgalay xubno uu horakacayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo sheegay in AMISOM ay gacan ka geystay sidii looga saari lahaa dhul ballaaran Al-shabaab, isagoo sidoo kale xusay in loo baahan yahay in gacan laga geysto sidii goobahaas ammaankooda loo adkeyn lahaa.

"Qodobbada muhiimka ah ee kasoo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in DKMG gacan laga siiyo sidii ay u xoojin lahayd ciidamadeeda, sidoo kalena dhamaan ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-shabaab loo mideyn lahaa," ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise oo markii uu shirku dhammaaday ka hadlay qodobbadii kasoo baxay.


Wasiirku wuxuu sheegay inay ka codsadeen beesha caalamka in ciidamadooda laga siiyo gacan sidii ay deegaannada ay ku harsan tahay Al-shabaab laga saaro, isagoo xusay in ciidamada AMISOM ay kaalin mug leh ka geysteen sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.

"Kulanka waxaa ka qaybgalay Puntland, Ahlusunna iyo Galmudug," ayuu wasiirku ku sheegay hadalkiisa isagoo xusay in shirkan uu kusoo dhammaaday si guul leh, lana fulin doono qodobbadii kasoo baxay.

Mas'uuliyiintii ka socday Qaramada Midoobay ee shirkaas ka qaybgalay ayaa iyana sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin horumarka ay dhinaca ammaanka ka gaareen DKMG ah iyo ciidamada AMISOM, waxayna sidoo kale bogaadiyeen shirka odayaasha-dhaqanka uga socda magaalada Muqdisho.

Qodobbadii kale ee kulanka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa in beesha caalamku ay gacan ka geysato tababarridda ciidamada dowladda KMG ah iyo dib u dhiska xeryaha ciidamada.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya