4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho kula kulmay wafdiyo ka socday, Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub


Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta Muqdihso ku qaabilay wafdiyo kala duwan oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Wafdiga Qaramada Midoobay oo ay hogaaminaysay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca gargaarka bani'aadamnimo Catherine Bragg ayaa kala hadlay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya xalaadda ay ku sugan yihiin dadka ku jira xeryaha barakacayaasha ee Muqdsho.

"Waxaa maanta kulan kula yeeshay Muqdisho Catherine Bragg oo Soomaaliya markii ugu horreysay timid si ay wax uga ogaato xaaladda bani'aadmnimo ee dalka ka jira, maadaama ay abaaro daran ay sannadkii hore ku dhufteen Soomaaliya," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in isaga iyo wafdigu ay aad uga hadleen xaalka ay ku nool yihiin barakacayaasha ku jira xeryaha Muqdisho, isagoo sheegay inay ka codsadeen wafdiga in la bedelo qaabka Qaramada Midoobay ay u caawiso dadka u baahan gargaarka.

Sidoo kale, Catherine Bragg oo iyaduna saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ay u mahadcelinayso, iyadoo sheegtay inay halkan u yimaadeen sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda nololeed ee barakacyaasha ku nool Muqdisho, gaar ahaan haweenka.


Wafdiga UN-ka ayaa waxaa ka mid ahaa, xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden iyo xubno kale, kuwaasoo ka dhoofay Muqdisho markii ay socdaalkooda dhameysteen.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay laba wafdi oo ay kala hoggaaminayeen u qaybsanaya arrimaha Soomaaliya ee dowladda Mareykanka, James Swan iyo wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Georges-Marc ANDRÉ.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya