4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Hay'adda Nabad-sugidda DKMG Soomaaliya oo soo Bandhigay dhallinyaro ay sheegtay inay Xarakada Al-shabaab ka tisranaayeen

Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kusoo bandhigtay xarunteeda Muqdisho saddex dhallinyaro ah oo ay sheegtay in Al-shabaab ay ka tirsanaayeen, mid ka mid ahna uu doonayay inuu is-qarxiyo.

Saraakiisha hay'adda ayaa sheegay in dhallinyaradan lagu soo qabtay baaritaan ay ciidamadu sameeyeen, iyagoo sheegay in midka doonayay inuu is-qarxiyo uu watay jaakad ay waxyaabaha qaraxa laga buuxiyay.

"Ruuxan wuxuu doonayay inuu isku qarxiyo jaamacadda ummadda oo saldhig u ah ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa AMISOM," ayay yiraahdeen saraakiil ka tirsan hay'adda nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

Wiilka la sheegay inuu doonayay inuu isqarxiyo oo lagu magacaabo Ismaaciil Cumar Sheekh Nuur oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu muddo laba sano ah ka tirsanaa Al-shabaab uuna doonayay inuu isku-qarxiyo ciidamada Buurndi ee ku jira jaamacadda ummadda balse la qabtay.

Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg oo isna kula hadlay saxaafadda Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamadu ka hortageen qorshe ay Al-shabaab ku doonaysay inay Muqdisho kaga fuliso weerar is-miidaamin ah, ayna qabteen ruuxa doonayay inuu fuliyo kaddib markii ay heleen xog iyagoo ku qabtay isgoyska ex-koontarool Afgooye.

Dhallinyarada kale ee labada ah ayay saraakiisha hay'addu sheegeen inay iyagana ku qabteen baaritaanno ay Muqdisho ka sameeyeen, balse ma aysan sheegin wax qalab ah oo lagu qabtay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay hay'adda nabadsugiddu soo bandhigto dhallinyaro la sheegay inay ka mid yihiin Al-shabaab oo lagu qabtay howlgallo laga sameeyay Muqdisho, waxaana qabashada dhalinyaradan ay imaanaysaa iyadoo xalay ay Muqdisho ka dhaceen falal dilal ah oo qaarkood ay geysteen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya