4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Ururaddii Siyaasadda Somaliland ee Qiimeynta ku hadhay oo samaystay dallad ay ku Midoobeen eedeynna u jeediyay guddiga Diiwaan-gelinta


Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Ururaddii siyaasaddda ee qiimaynta ku hadhay ayaa maanta ku dhowaaqay inay samaysteen dallad xaqoodda u raadisa, kuwaas oo sheegay in aanay wali ku qancin natiijaddii ay guddidda diiwaangelinta ururadda ku dhowaaqeen, isla markaana sheegay inay dadka usoo bandhigayaan cadaalad darooyinka ku dhacay ururadda hadhay.

Ururradan qiimeynta ku hadhay oo maanta xaflad ku qabsaday hotel Xaraf, ayaa sheegay inay dallad ay u dhan yihiin samaysteen oo ay u bixiyeen Daladda Ururadda , isla markaana gudoomiye u doorteen gudoomiyaha ururka NDB Foosiya Yuusuf X. Aadan, xubnana ay ka yihiin, Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhego weyne (UDHIS), Axmed Sandoon (Jamhuuriga), Nuur Faarax Xuseen (Gurmad), Mustafe Cabdilaahi Jaamac (HORYAAL).


Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah madaxda sarsare ee ururadda hadhay ayaa sheegay inay guddida diiwaangelintu ay jabisay xeerar badan oo dalka u yaal, isla markaana ay markii hore ahayd inay xubin garyaqaan ah oo maxkamadaha dalka ka soo shaqeeyey ay ku jiraan guddidda diiwaangelinta ururada balse taasina aanay dhicin.

"Guddidu waxay sameeyeen gefef ay xeerar ku jabiyeen, waxay ahayd in lix bilood hawlaha ururaddu ku dhamaysteen balse ay ka dhigeen saddex bilood halkaasna uu ku jabay qodobka 5aad, xarafkiisa C, waxa kale oo la yimaadeen madax tirin oo sharciga ku jirin, waxay ahayd in guddida ku jiraan garyaqaan heer maxkamadda sare gaadhay oo aqoon iyo waayo aragnimo leh, kumana jiro halkaasna waxa ku jabay qodobka 3aad xarafkiisa C ee xeerka doorashooyinka"ayuu yidhi Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah ururadda hadhay.

Foosiya Yuusuf X. Aadan oo ah gudoomiyaha daladda ururadda hadhay, ayaa sheegtay in ilaa hadda aanay la kulmin gudidii oo ay ka dhuumanayaan, dhawr jeerna ugu tagtay xafiiskooda balse ay ka soo wayday, taasina ay tahay gef ay ka galeen ururadda.

Foosiya waxa kale oo ay sheegtay inay ku adkaysanayaan go’aankoodda, sidaa darteed ay ku adkaysanayaan inay hawlahoodda wataan, isla markaana ummadda usoo bandhigaan cadaalad daradaa lagu sameeyey.


"Ciidamadii loo tobabaray inay argagixisada la dagalamaan ayaa shacabkii loo adeegsaday, waanu haynaa sawiradii qaabkii hablaha loo garaacayey, marka waxaan shacabka leeyahay waa in laga hadlaa oo maanta haday dhacdo barina way dhacaysaa laga hadlaa, markaa idinka ayaanu maxkamad idinka dhignay "ayey tidhi Foosiya Yusuf oo ka hadlaysay dhawr jeer oo ay isku dayeen inay mudaharaadyo sameeyeen oo dhibaato ka soo gaadheen dadkii isku soo baxayey.

Gudoomiyaha ururka UDHIS Col: Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego weyne), ayaa isna xukuumadda si adag u weeraray, sheegayna inay dhibaatooyinkan oo dhan ay abuurayso xukuumaddu, isla markaana aanay dan ka lahayn Nabadgalyadda somaliland ka jirta, isagoo sheegay inuu ka xun yahay in iyaga looga baqo nabadgalyadda Somaliland.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha wanaag farisa iyo xumaan reebista Sheikh Maxamed X. Maxamed, ayaa sheegay inay cadaaladdu tahay waajib ummadda muslimka ah ku waajibtay, xukuumadda iyo gudidda diiwaangelintana usoo jeediyey in la tixgaliyo dhowaaqa ka soo yeedhay ururadda hadhay, qaabkii loola dhaqmayna aanay wanaagsanayn, isagoo soo jeediyey in xeerarkii la qortay ee lagu heshiiyey lagu dhaqmo.




Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland