4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Munaasabad lagu xusayay Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen wasiirro, xildhibaano, qaybaha bulshada iyo dhallinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdho.

Hay'adda wada-hadalka bulshada ee CCD ayaa soo qaban-qaabisay munaasabadan, iyadoo lagu soo bandhigay boor ka turjumaya doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarinta dalkooda, sidoo kale waxaa boorarka ku jiray mid lagu soo bandhigay sawirrada 13-kii dhallinyaro ee hoggaaminayay ururkii gobonimo-doonka SYL.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu furay aaydo Qur'aan ah, waxaana intaas kaddib hadal ku furay wasiir-u-dowlaha wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocow) isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo ay dhalatay fikradda xoreynta Soomaaliya.

"Maalinta waa maalin weyn waa maalintii ay 13-dhalinyaro ah u kaceen inay dalka xorriyad gaarsiiyaan, dhallinyaradii shalay ma aysan haysan waxbarasho, sare sidoo kale ma aysan gaarsiinayn halka ay kuwa maanta gaarsiisan yihiin, laakiin way ku guuleysteen inay dalkan xorriyad gaarsiiyaan," ayuu yiri C/llaahi Qaloocow.

Sidoo kale, Qaloocow wuxuu sheegay in farqiga u dhaxeeya dhallinyaradii shalay iyo kuwa maanta ay tahay in dhallinyaradii shalay ay ahaayeen kuwo wadaniyiin ah, isla markaana aan qabiil ku dhaqamin, hase kuwa maanta ay yihiin kuwo sidii la doono loo adeegsan karo.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna hadlay munaasadda ayaa ka sheekeeyay taariikhihii ay soo martay xorriyadda Soomaaliya, wuxuuna xusay in aabbihii uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay xorriyad raadinta.

"Maalintii dhagaxtuur ay dhacday waa maalin taariikh ku leh Soomaalida, markaan dib ugu laabano taariikhdii hore ee Soomaali-weyn ay qaybsadeen dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Itoobiya," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi oo intaas ku daray inuu ka mid ahaa dad ay Talyaanigu xireen xilligii uu socday halgalkii xorriyadda dalka.

Mar uu ka hadlay aasaaskii SYL ayuu sheegay in sanadkii 1943-kii ay si hoose ah u aasaaseen SYC, xilligaas ay qarinayeen iyaga nadafkooda siyaasada ahaa, balse ay dadka u bisleynayeen in xisbi siyaasadeed oo gobonimo-doon uu ahaa, wuxuuna tilmaamay in sanadkii 1945-kii lagu dhawaaqay SYL, halkaasna ay ka wadeen halgankii gobonimo-doonka illaa bannaanbixii 1946-1949.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in dhalinyarada maanta loo adeegsado hab qabiil iyo dano gaar ah, isagoo intaas ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu kala qaybiyay dano siyaasadeed oo gaar ah, isagoo ugu baaqay inay midoobaan isla markaana la yimaadaan wadajir.

Munaasabada ayaa waxaa dhex-taal u ahaa suugaan lagu cabirayay qaybta ay ka qaadan karaan dhallinyarada hadda jirta nabad kusoo celinta dalkooda, iyadoo ay heesaha qaadayeen gabdho maryo ka sameysatay calanka Soomaaliya.

Sheekh Axmed Abuukar Gaabow iyo Ruqiyo Cali Cabdulle oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo had iyo jaar u taagan badbaadinta dalkooda iyo dadkooda, intii loo a deegsan lahaa arrimo siyaasadeed oo aanay dani ugu jirin dalka iyo dadka.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay xildhibaannada kala ah Aamino Saciid Cali iyo Sahro Maxamuud Amiin iyagoo ku guubaabiyay dhallinyarada Soomaalida rag iyo dumar inay danta dalkooda ka shaqeeyaan ayna isku duubnaadaan, loogana baahan yahay in inay ka baxaan kala qoqobka.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya