4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Somalia ay Weli ka jiraan Caqabado ku qasabaya dadka inay Barakacaan

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Hay'adda UNHCR ayaa warbixin ay maanta oo Talaado ah soo saartay ku sheegtay in weli Soomaaliya ay ka jiraan caqabado ku qabsanaya dadka inay ka cararaan deegaannadooda.

UNCHR oo Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca qoxootiga ayaa sheegtay in dagaallada weli ka dhacaya Soomaaliya iyo roobabka xilliga oo yar ay yihiin labada caqabad oo dadka Soomaaliyeed ku qabsanaya inay deegaannadooda isaga tagaan.

"Afartii bilood ee sannadkan ugu horreeyay qiyaastii 20,000 oo Soomaali ah oo ka cararay dalkooda ayaa qoxooti ahaan u galeen dalalka Kenya, Itoobiya iyo Yemen," ayaa lagu yiri warbixinta hay'addu ay soo saartay.

Sidoo kale, hay'addu waxay sheegtay in 40,000 oo Soomaali ah ay dalkooda ka carareen intii u dhexeysay Juun iyo September sannadkii hore, kuwaasoo isugu jiray rag, dumar iyo caruur.

Hay'addu waxay sheegtay in bishii May ee lasoo dhaafay ay in ka badan 2,000 oo Soomaali ah ay qoxooti ahaan u tageen xeryaha qoxootiga Dolloow Caddoow ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay horay ugu jireen 15,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah.

Xeryaha Dhadhaab ayay hay'addu sheegtay in qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira oo tiradoodu tahay 460,000 oo qof ay wajahayaan caqabado dhinaca nolosha ah, kaddib markii ay xaaladda ammaanku xumaatay, ayna halkaas ka dhacaan falal ay ka mid yihiin, dilal, afduubyo iyo boob hantiyeed.

The results of the most recent mass screenings show a sharp reduction of malnutrition among under-fives in Dadaab (seven per cent). In Dollo Ado, the malnutrition levels among children also stabilized with all camps showing a positive trend. In the older Melkadida and Bokolomayo camps, acute malnutrition rates have fallen to 15 per cent. UNHCR is currently preparing a follow-up survey in the newer Kobe and Hilaweyn camps and we expect to see significantly reduced levels of general acute malnutrition.

Massive water, sanitation and hygiene programmes went hand-in-hand with these efforts and were integral to the vast improvements in the health conditions of the Somali refugee population.

Ugu dambeyn, hay'addu waxay sheegtay in 300,000 qof oo Soomaali ay sannadkii hore oo keliya ka barakaceen Soomaaliya, iyadoo ay maanta ku jiraan xeryaha ku yaalla dalalka Kenya, Itoobiya, Yemen iyo Jabuuti 980,000 oo qof oo Soomaali ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya