3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow oo sheegay inuu ka mid yahay Murashaxiinta u taagan xilka Madaxnimo ee Soomaaliya


Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa maanta sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo bisha Ogoosto ee sannadkan.

"Sharaf weyn ayay ii tahay inaan u istaago tartanka madaxweynimo ee Soomaaliya ka dhici doona dhawaan, si aan u badbaadiyo dalkeyga iyo dadkeyga," ayuu yiri Dr. Baadiyoow oo ka hadlayay munaasabad uu kaga dhawaaqay murashaxnimadiisa oo lagu qabtay Muqdisho.

Dalka Soomaaliya oo ku jira xilli kala guur ah ayaa lagu wadaa in bisha Ogoosto ee sannadkan ay ka dhacdo doorasho madaxweynimo, taasoo ay u taagan yihiin aqoon-yahanno badan oo uu ka mid yahay Dr. Baadiyoow.

"Waxaan tiigsanayaa Soomaaliya oo yeelata xukun ka fog musuqmaasuq, dadkeeduna kuwada nool yihiin nabad, isla markaana dariskeeda kula nool nabad," ayuu mar kale yiri Dr. C/raxmaan Baadiyoow. Isagoo hadalkiisa raaciyay: "Waa Waajib Islaami ah iyo mid wadaniyadeed inaan isku sharraxo xilka madaxweynimo ee dalkeyga."

Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, aqoonyahanno, arday, haween, salaadiin iyo marti-sharaf kale ayaa waxaa ka hadallo ka jeediyay mudanayaal ay ka mid yihiin, Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Caasho Axmed Cabdalla, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo kuwo kale.

"Haddii aan nahay kuwa u saaxiibka ah cilmiga, caqliga iyo garaadka, waxaana rumeysannahay in Dr. C/raxmaan Baadiyoow uu noqdo isku keenaha shacabka Soomaaliyeed oo muddo 21-sano ka badan kala maqnaa," ayuu yiri suldaan Xasan Xaaji Maxamed (Guul-wade) oo ka hadlay munaasabadda.

Xildhibaannadii iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay qabaan in murashaxan uu yahay mid dalka iyo dadka badbaadin kara, sidoo kalena leh aqoon, karti iyo aqlaaq fiican oo uu howsha madaxnimo ku gudan karo.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlya C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo C/llaahi Maxamed Shirwac, iyagoo sheegay inay qabaan inuu yahay shaqsi hoggaamin kara ummadda Soomaaliyeed, xilligii loo baahaana yimid.

Ugu dambeyn, Dr. C/raxmaan Baadiyoow wuxuu sheegay in Soomaalidu aysan u lahayn dhaqan inay is-faaniso, laakiin waxaan tuhunsahaya inaan ummaddeyda ka samatabixin karo xalaaddan ee ay hadda ku sugan yihiin; isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in xilligii qoriga uu dhammaaday, lana joogo xilligii aqoontu ay talin lahayd.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/5/2012 12:16 PM EST
Talaado, June 05, 2012(HOL): Seminaar uu soo qabanqaabiyay ururka xirfadleyda dhaqaaatiirta xoolaha ee Gobolka Banaadir (BENALPA) loogana hadlayo caafimaadka bulshada ayaa maanta lagu furay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeybgaleen in ka badan 30 ruux oo ka kala socday wasaaradaha caafimaadka, xanaanada xoolaha iyo beeraha, ururada bulshada iyo hal-abuurayaal.

6/5/2012 8:17 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Madaxweynihii Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisiga UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horreysay sheegay in lasoo afjaray khilaafkii xisbiga ka jiray, isla markaana hadda la billaabay dardarp-gelinta howlaha xisbiga.

6/5/2012 8:07 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay cafis u fidiyeen dhalinyarro ah oo horay uga tisaneyd sida ay sheegeen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

6/5/2012 8:04 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Hay'adda UNHCR ayaa warbixin ay maanta oo Talaado ah soo saartay ku sheegtay in weli Soomaaliya ay ka jiraan caqabado ku qabsanaya dadka inay ka cararaan deegaannadooda.

6/5/2012 7:34 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo saakay xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusuna ku dhexmaray deegaanno u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud.

6/5/2012 7:15 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun 15-sano ah ku ridday ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Cali Maxamed Yuusuf kaasoo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo ay ka mid yihiin inuu isticmaalay awood uusan lahayn.

6/5/2012 6:46 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar askari oo kawada tirsan ciidanka dowladda KMG ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal xalay saqdii dhexe ciidammo ka kala tirsan booliiska iyo milateriga DKMG ah ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka shabeellada hoose.

6/5/2012 4:10 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa uga baaqay madaxda Soomaalida inay ka fogaadaan khiaafyada siyaasadeed ee soo laalaabtay muddada yar ee ka harsan ka bixitaanka xilliga KMG ah.

6/5/2012 3:44 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan Somaliland, ayaa cambaareeyey xukunkii lagu xukumay masuuliyiintii lagu eedeeyey lunsiga raashinka mucaawimadda ah,kuwaas oo lagu xukumay saddex sanno iyo mid ka mid isna lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah.