3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Xarakada Al-shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca oo guulo ka kala sheegtay dagaal ku dhexmaray Gobolka Galguduud

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo saakay xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusuna ku dhexmaray deegaanno u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo kawada tirsan gobolka Galguduud.

Dagaalkan ayaa billowaday markii xoogagga Ahlusunna ay weerareen ciidammo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo deegaannadaas fariisin ka sameystay, iyadoo dagaalka uu si iskiis ah u joogsaday.

"Iskarhoimaadku wuxuu ka dhashay weerar aan ku qaadnay xoogag Al-shabaab ka tisran oo fariisin ka sameystay deegaanno u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur, guul ayaana dagaalkaas ka gaarnay," ayuu yiri taliyaha ciidamada Ahlusunna ee Ceelbuur, Cabdi Xasan Maxamed oo saxaafadda la hadlay.

Taliyuhu wuxuu sheegay in dhankooda ay dagaalkaas uga dhinteen saddex askari, sidoo kalena looga gubay gaari ay leeyihiin, wuxuuse sheegay in dhinaca kale ay u geysteen khasaare fara badan, inkastoo uusan carrabka ku dhufan cadadkeeda.

Sarkaalkan u hadlay Ahlusunna wuxuu sheegay inay iyagu gacanta ku hayaan halkii lagu dagaalamay, inkastoo warar madaxbannaan ay sheegayaan in labada dhinac ay kuwada sugan yihiin deegaannadii lagu dagaalamay.

Dhanka kale, saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay in dagaalku uu ka billowday weerar ay ciidamadooda ku qaadeen gaadiid Ahlusunna lahayd oo halka lagu dagaalamay marayay, kuwaasoo ay sheegeen in laba ka mid ah ay gubeen.

Ma aysan sheegin saraakiisha Al-shabaab khasaaraha dhankooda dagaalka kasoo gaaray iyo khasaaraha ay geysteen, waxayse xuseen in dagaalku uu ahaa mid ay ka gaareen ujeedooyinkii ay ka lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/5/2012 12:16 PM EST
Talaado, June 05, 2012(HOL): Seminaar uu soo qabanqaabiyay ururka xirfadleyda dhaqaaatiirta xoolaha ee Gobolka Banaadir (BENALPA) loogana hadlayo caafimaadka bulshada ayaa maanta lagu furay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeybgaleen in ka badan 30 ruux oo ka kala socday wasaaradaha caafimaadka, xanaanada xoolaha iyo beeraha, ururada bulshada iyo hal-abuurayaal.

6/5/2012 8:55 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa maanta sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo bisha Ogoosto ee sannadkan.

6/5/2012 8:17 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Madaxweynihii Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisiga UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horreysay sheegay in lasoo afjaray khilaafkii xisbiga ka jiray, isla markaana hadda la billaabay dardarp-gelinta howlaha xisbiga.

6/5/2012 8:07 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay cafis u fidiyeen dhalinyarro ah oo horay uga tisaneyd sida ay sheegeen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

6/5/2012 8:04 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Hay'adda UNHCR ayaa warbixin ay maanta oo Talaado ah soo saartay ku sheegtay in weli Soomaaliya ay ka jiraan caqabado ku qabsanaya dadka inay ka cararaan deegaannadooda.

6/5/2012 7:15 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun 15-sano ah ku ridday ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Cali Maxamed Yuusuf kaasoo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo ay ka mid yihiin inuu isticmaalay awood uusan lahayn.

6/5/2012 6:46 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar askari oo kawada tirsan ciidanka dowladda KMG ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal xalay saqdii dhexe ciidammo ka kala tirsan booliiska iyo milateriga DKMG ah ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka shabeellada hoose.

6/5/2012 4:10 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa uga baaqay madaxda Soomaalida inay ka fogaadaan khiaafyada siyaasadeed ee soo laalaabtay muddada yar ee ka harsan ka bixitaanka xilliga KMG ah.

6/5/2012 3:44 AM EST
Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan Somaliland, ayaa cambaareeyey xukunkii lagu xukumay masuuliyiintii lagu eedeeyey lunsiga raashinka mucaawimadda ah,kuwaas oo lagu xukumay saddex sanno iyo mid ka mid isna lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah.