6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Siyaasiga Yaasiin Maaxi oo Sweden kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweynenimada Soomaaliya


Axad, July 08, 2012(HOL): Siyaasiga Yaasiin Maaxi Macallin ayaa musharaxnimadiisa madaxweynenimada Soomaaliya kaga dhawaaqay Magaalada Katrinholm ee dalka Sweden, isagoo xafladdii musharaxnimadiisa ka sheegay in haddii la doorto uu isbedel ku sameyn doono Soomaaliya.

Munaasabadda uu Yaasiin Maaxi uga dhawaaqay musharaxnimadiisa ayaa waxaa ka qeybgalay dad aad u faro badan oo ka kala yimid dalalka Ingiriiska, Holland iyo gobollo ka tirsan dalka Sweden.

Munaasabadda oo jawi aad u qurux badan ku dhacday ayaa waxaa ka hadlay dad lagu martiqaaday in ay wax ka yiraahdaan musharaxnimada madaxweynenimo ee Yaasiin Maaxi oo dhanka kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed  (SSUP).

Dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Yuusuf Cabdow oo ka tirsan Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ee SSUP, wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo musharaxnimada Yaasiin Maaxi, isagoo farta ku fiiqay in Xisbi ahaanna ay garab taagan yihiin, mar kastana ay garab taagnaayeen.


Waxaa uu Yuusuf Cabdow intaas ku daray in Yaasiin Maaxi uu yahay qof u qalma in uu xilka madaxweynenimo isu soo sharraxo, uuna mas’uuliyaddaas ka gudan karo, wuxuuna u rajeeyay in uu ku  guuleysto xilka uu isu soo taagay.

Waxaa kale oo ka hadlay Xasan Muuse Cali Qoslaaye oo ka yimid magaalada Göteborg ayaa ka hadlay, wuxuuna ugu horreyn sheegay in Yaasiin Maaxi uu uga mahadcelinayo geesinnimada uu sameeyay, taasi oo ah in uu go’aansaday in uu isku soo taago xilka madaxweynenimada Soomaaliya. "Haddii dadka oo dhan ay yiraahdaan ma dooneyno in aan xilkaas isu soo sharraxno yaa wax qabanaya" ayuu dadkii dhegeysanayay weydiiyay, wuxuuna intaas ku daray in arrinta uu sameeyay uu uga mahadcelinayo Yaasiin Maaxi.


Xasan Qoslaaye waxaa uu intaas ku daray in Yaasiin Maaxi uu yahay musharrax ka duwan musharixiinta u sharraxan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in uu yahay shakhsi aaney wadan shisheeye, balse uu yahay qof wax ku doonaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cabdullaahi Muuse Xasan ayaa ka hadlay munaasabadda wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu goob-joob u ahaado munaasabadda musharraxnimada Yaasiin Maaxi, wuxuuna soo dhaweyn kaddib uu la dardaarmay musharraxa isagoo kula dardaarmay in uu xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka, caruurta iyo dadka dulman.


Dhanka kale duqii hore ee magaalada Muqdisho wuxuu farriin u diray beesha Caalamka oo uu ka dalbaday in ay doorashada ka dhaceysa Soomaaliya ay il gaar ah ku heyso, gaar ahaana aysan dhicinna in la musuqmaasuqo doorashada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haddii taasi dhacdo ay soo bixi doonaan wax ka duwan wixii la filayay.

Culumo C/llaahi Hilowle oo ka socotay Magaalada Katrinholm ayaa munaasabadda ka hadashay, waxayna sheegtay in musharrax Yaasiin Maaxi uu yahay shakhsi u qalma in loo doorto xilka madaxweynenimada Soomaaliya, waxayna xustay in ay muddo dheer taqaano Yaasiin Maaxi iyo qoyskiisa, ay si gaar ah u garanaeyso shakhsiyadda Yaasiin Maaxi.


Waxay intaas ku dartay in Yaasiin Maaxi uu ku wanaagsan yahay maareynta arrimaha Soomaalida Sweden, sidaas oo kalena ay rumeysan tahay in uu wax badan ka maareyn karo xaaladda Soomaaliya oo muddo dheer dhibaato ku soo jirtay.


Astur Jeenyo oo ka socotay Magaalad Eskilstuna, isla markaana ku hadleysay magaca Isboortiga Soomaaliyeed ayaa munaasabadda ka sheegtay in Yaasiin Maaxi uu ka tirsan yahay Bahda Isboortiga muddo dheerna ay u leedahay aqoon gaar ah, sidaas dareteedna ay rumeysan tahay in uu xilkan u qalmo. Waxay intaas ku dartay in ay aaminsan tahay in Isboortiga Soomaaliyeed uu isu keeni karo dadka Soomaaliyeed, qofka Isboortiga ahna uu yahay qof bulshada oo dhan u dhaxeeya.

Astur waxaa ay sheegay in qofka Isboortiga uu yahay qof aanan qabiil lahayn oo dadka oo dhan ay u siman yihiin, ayna hubanti tahay sida ay tiri in Yaasiin Maaxi haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynenimada uu cadaalad ku maamuli doono dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Intaas kaddib Aqoonyahan Xuseen Wadaad oo munaasabadda xiriirinayay ayaa cod-baahiyaha ku soo dhaweeyay musharrax Yaasiin Maaxi si uu u jeediyo hadalkiisa ku aaddan musharraxnimadiisa. Ugu horreyn wuxuu musharraxu u mahadceliyay intii gacanta ku siisay qabsoomidda xafladda musharraxnimadiisa, kuwaasi oo uu mid mid ugu mahadceliyay.


Wuxuu sheegay Yaasiin Maaxi in musharraxnimadiisa ay ku dhiirigeliyeen shacab badan oo Soomaaliyeed oo uu meelo kala duwan ku booqday, wuxuuna carrabka ku dhuftay in markii uu helay dhiirigelintaas uu go’aansaday in uu xilka madaxweynenimada Soomaaliya isu soo taago.

Waxaa uu sheegay in uusan ku tashaneynin dowlado shisheeye balse waxa uu ku tashanayo ay yihiin shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo sheegay in haddii loo doorto xilka madaxweynenimada Soomaaliya uu dadaal u geli doono in nidaamka 4.5 uusan Soomaaliya ku soo noqon maadaama dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku mid ah oo aan kala sarreynin.


Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay isbedel la taaban karo u baahan tahay, kaasi oo imaanaya sida uu yiri kaddib muddo dheer oo uu dalka Soomaaliya dagaallo sokeeye abaaro iyo jahli uu ku soo jiray, wuxuuna caddeeyay in aaney dadka Soomaaliyeed dhibaato kale ku sii jiri Karin.

Haddii loo doorto Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ayuu sheegay in uu ku dhaqi doono dalka nidaam ku shaqeynaya siyaasad dhexdhexaad ah oo wax la wadaagta dalalka caalamka oo dhan, gaar ahaan xiriirka diblumaasiyadeed, wuxuuna caddeeyay in uusan ku shaqeyn doonin talo iyo faragelin shisheeye oo dibadda uga timaada.

Intaas kaddib wuxuu musharraxu u soo bandhigay dadkii uu la hadlayay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan ololihiisa musharraxnimada, isagoo madasha ku soo bandhigay qaabab kala duwan oo ay ku taageeri karaan.


Waxaa xusid mudneyd in intii munaasabadda socotay ay heeso isugu jiray waddani iyo kuwo dabacsanba ka qaaday fannaaniin ka socotay magaalooyinka Eskilstuna iyo Katrinholm.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Musharraxa Yaasiin Maaxi Macallin ayaa wuxuu noqonayaa musharraxa kaliya oo isagoo Somali-Swedish ah iska soo sharraxaxay dalka Sweden, sidoo kalena waa musharraxa kaliya ee si cad u sheegay  in aysan jirin dowlado shisheeye ah oo uu ka doonayo in ay gacan-ku-siiyaan sidii uu madaxweynaha Soomaaliya ku noqon lahaa.








Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/8/2012 2:15 PM EST
Axad, July 08, 2012(HOL): Kulan balaadhan oo ay soo abaabuleen Ururka Ardayda Soomaaliyeed SYDRC aya ka dhacay magaaladan London, Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen arday waxka barata jaamacadaha Qaaradan Yurub gaar ahaan dalka Ingiriiska,Kulankan waxa kasoo qaybgalay qaar ka mid ah madax sar sare oo wax ka dhiga jaamacada dalkan Ingiriiska,Haween ka socda dawlada Hoose iyo dhalinyaro Soomaali ah oo ka mid ah madaxda Dawlada hoose ee qayb ka mid ah xaafadaha London.

7/8/2012 9:29 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Guddiga ammaanka Qaranka ayaa sheegay in jidadka Muqdisho qaarkood si KMG ah loo xirayo laga bilaabo 10-ka bishan oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota, iyagoo sheegay in wadooyinka ay xirnaan doonaan muddo laba todobaad ah.

7/8/2012 9:03 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow oo muddo ka badan boqol cisho u xidhnaa dambiyo lagu soo Oogay ayaa maanta lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah, ka dib markii la sheegay in lagu helay eeddo ah ceebeen iyo kicin dadweyne.

7/8/2012 8:47 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, ruux kalena wuu ku dhaawacmay dagaal kooxo hubeysan ku dhexmaray deegaanka Balli-Howd oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

7/8/2012 8:17 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud ayaa sheegay maanta oo Axad ah in hay'adaha iyo shirkaha aan diiwaan-gashanayn aysan ka shaqeyn karin gudaha dalka, sidoo kalena wuxuu ka digay in magaalada Muqdisho lagu qaato hub aan sharci loo haysan.

7/8/2012 8:02 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Golaha wakiilada Puntland oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka doodayay xaaladda gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laas-Caanood oo muddo ka maqan gacanta dowlada Puntland ayaa maanta isku raacay in dowladda ay go'aan cad ka qaadato arrinta magaalada Laascaanood.

7/8/2012 7:48 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Alla ha u naxariistee waxa shalay galab geeri naxdin lihi ka dhacday jidka u dhexeeye Berbera iyo Hargeysa, kaas oo galaaftay saddex qof oo isku qoys ah iyo nin kale oo la socday, halkaas oo ay afartooduba ku geeriyoodeen.

7/8/2012 7:29 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Xukuumadda Eritrea ayaa eedeymo aan sal iyo raad lahayn ku tilmaantay eedeymo uu Mareykanku u jeediyay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamadeeda kuwaasoo lagu soo rogay cunno-qabteyn dhinaca maaliyadda ah.

7/8/2012 4:52 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka warbixiyay xaaladaha amaanka iyo siyaasada gobolka Hiiraan.

7/8/2012 2:01 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa yeeshay afhayeen cusub oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya, isagoo howsha kala wareegi doona afhayeenkii hore ee AMISOM Col. Paddy Ankunda oo u dhashay dalka Uganda.

7/8/2012 1:45 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dhaawacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, wariye C/qaadir Cumar Cabdulle (Kuwaral) oo ka mid ahaa wariyeyaasha telefishinka Universal, iyadoo dhaawaca wariyaha la dhigay isbitaalka Madiina.