4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Xukuumadda Eritrea oo iska fogeysay eedeyn Mareykanku u soo jeediyay sarkaakiil u dhashay dalkeeda
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Xukuumadda Eritrea ayaa eedeymo aan sal iyo raad lahayn ku tilmaantay eedeymo uu Mareykanku u jeediyay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamadeeda kuwaasoo lagu soo rogay cunno-qabteyn dhinaca maaliyadda ah.

Mareykanka ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku eedeeyay saraakiisha Eriteriyaanka ah oo lagu kala magacaabo: Col. Col. Twolde Habte Negash iyo Col. Taeme Abraham Goitom inay Al-shabaab ka taageen tababarrada iyo talooyinka, waxaana eedeynta loosoo jeediyay ka mid ah inay huriyeen colaadda ka taagan Soomaaliya.

"Saraakiisheenna waxaa dusha laga saaray eedeymo been abuur ah, mana jiraan wax caddeymo ah oo lasoo bandhigay," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Asmara Sabtidii shalay.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Eritrea ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ku guuldarreystay inay runta sheegto, iyadoo Eritera ay dhowr jeer oo hore iska diiday eedo noocan oo kale ah oo kaga yimid Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Saraakiishan Eritrean-ka ah ayaa waxay ka mid ahaayeen lix xubnood oo saddex ka mid ah ay u dhasheen dalka Kenya oo lagu eedeeyay inay huriyeen colaadda dalka Soomaaliya ayna gacan siiyeen Al-shabaab.

Wasiirka maaliyadda ee Mareykanka ayaa sheegay in cunno-qabateyntan ay qayb ka qaadanyso sidii lagu joojin lahaa colaadaha Soomaaliya ka jira, loona baabi'in lahaa Xarakada Al-shabaab.

Xukuumadda Asmara ayaa waxay sidoo kale sheegtay in xukuumadda Washington iyo madaxweynaheeda ay siyaasaddooda ka mid tahay sidii ay waxyeello ugu geysan lahaayeen madax-bannaanida iyo sharafta dalkeeda.

Ugu dambey, Eritrea waxay ugu baaqday dalalka kale ee caalamka inay u ololeeyaan sidii ay uga hortegi lahaayeen ficillada ka dhan ah xukuumaddooda oo ay wadaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya