Axad, July 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, ruux kalena wuu ku dhaawacmay dagaal kooxo hubeysan ku dhexmaray deegaanka Balli-Howd oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaalkan ayaan la ogeyn sababta keentay, iyadoo mas'uuliyiinta degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ay sheegeen in dagaalka uu socday muddo balse ay xaaladdu tahay mid daggan labadii dhinacna ay kuwada sugan yihiin deegaankii uu dagaalku ka dhacay.
"Ciidammo ayaa u dirtay halka uu dagaalku ka dhacay si looga hortago inay halkaas ka dhacaan iskahorimaadyo kale," ayuu yiri taliyaha ciidamada Ahlusunna ee degmada Guriceel, Muuse Macallin Maxamed.
Labada qof ee dhintay ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxihii dagaalamay, waxaana dagaalkan uu imaanayaa iyadoo gobolka Galguduud ay ka socdaan qorshe ay Ahlusunna ku doonayso inay dib ugu laabato degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale oo ay bishii hore kasoo baxeen.
Deegaanka uu iska-horimaadku ka dhacay oo 60-km waqooyi kaga beegan degmada Guriceel ayaa waxay qayb ka noqonaysaa deegaannada gobolkaas ka tirsan ee ay ka dhacayeen iskahorimaadyada u dhexeeya kooxaha hubeysan.
Maamulka Ahlusunna ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u joojin lahaayeen isku-dhacyada dhexmara kooxaha hubeysan ee ku nool deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Galguduud.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Iskahorimaad khasaare geystay oo kooxo hubeysan ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud
More News
- Kulaanki ardaya Soomaalida ah ee waxkabarata qaarada Yurub iyo Dhiirigalinta waxbarashada oo London lagu qabtay (DAAWO SAWIRO)
- Siyaasiga Yaasiin Maaxi oo Sweden kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweynenimada Soomaaliya
- Guddiga Ammaanka Qaranka oo sheegay in waddooyin ka tirsan Muqdisho loo xirayo Ansixinta Dastuurka Cusub
- Boqor Cismaan Buur-Madow oo maanta lagu xukumay hal sanno oo xabsi ah iyo Xeer - ilaalinta oo rafcaan ka qaadatay
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Hay'ad iyo Sharikad aan Sharci haysan aysan ka howlgalayn Muqdisho
- Golaha Wakiillada Puntland oo Maamulkooda ka dalbaday inay dib u soo ceshadaan gacan ku haynta Degmada Laascaanood
- Shil baabuur oo ay ku geeriyoodeen Afar qof oo ka dhacay Jidka isku xira Magaalada Berbera iyo Hargeysa
- Xukuumadda Eritrea oo iska fogeysay eedeyn Mareykanku u soo jeediyay sarkaakiil u dhashay dalkeeda
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Ciidamada Jabuuti ay ka qayb-qaadan doonaan dib-u-hishiisiinta
- Sarkaal ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan oo loo magacaabay inuu noqdo Afhayeenka AMISOM
- Wariye ka tirsan Telefishinka Universal oo xalay lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho iyo xaaladiisa oo soo hagaageysa