4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Boqor Cismaan Buur-Madow oo maanta lagu xukumay hal sanno oo xabsi ah iyo Xeer - ilaalinta oo rafcaan ka qaadatay
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow oo muddo ka badan boqol cisho u xidhnaa dambiyo lagu soo Oogay ayaa maanta lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah, ka dib markii la sheegay in lagu helay eeddo ah ceebeen iyo kicin dadweyne.

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi jeex Garsoore: Cismaan Ibraahim Aadan, ayaa sheegay markii ay dhagaysteen eedaha loo haysto boqorka ay ku heleen qodobka 268 ee ciqaabta guud oo ah in ceebeen iyo dhaleeceen uu ku sameeyey madaxda Qaranka, isagoo joogga dalka gudihiisa.

“Waxaanu u cuskanay 268 xeerka ciqaabta duud, xarafkii 1aad iyo 2aad oo ah ceebeen iyo dhaleeceen”ayuu yidhi Garsooraha xukunka halka sanno ku riday boqorka, waxaanu sheegay in uu laalay qodob kale oo lagu soo eedeeyey “ waxa kale oo aanu laalnay qodobadda 212 iyo 215 oo tilmaamay muwaadinku haddii uu dambi galo isagoo jooga wadanka dibadiisa aan lagu qaadi karin, markaa qodobkaasi maaha mid waafaqsan eedaha loo soo jeediyey”ayuu raaciyey isagoo tilmaamaya qodobadda uu laalay.

Garsooruhu waxa uu sheegay in aan lagu qaadi Karin wax dambi ah haddii uu dambi ku galay wadanka dibadda, balse lagu xukumayo uun wadanka gudihiisa wixii uu dambi ka sameeyey, sidaa darteed qodobadda qaar oo lagu soo eedeeyey uu laalay, halka uu sheegay inuu ku xukumay qodobkii tilmaamay dambigii uu ku galay wadanka gudihiisa .

Dhinaca kale, Qareenka u doodayey Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in xukunkan lagu riday aanu ku qanacsanay, isla markaana ay ka wada tashan  doonaan cidda ay khuseyso.

“Boqorka labaddii qodob ee lagu eedeeyey labadiiba way ku wayday maxkamaddu, haseyeeshee maxkamaddu qodob kale oo aanu ka difaacnay ayey ku xukuntay”ayuu yidhi Garyaqaan: Barkhad Jamaac Aare oo ah qareenkii difaacayey oo u waramayey warbaahinta.

“Qodobka lagu soo eedeeyey waxa uu ahaa in isagoo imaaraadka jooga uu dambi galay waana qodobka 212, oo ah inuu warar ku faafiyey dalkaasi iyo qodobka kale 215 oo ah in dacayado iyo kicin dadka ah ka sameeyey dalka gudihiisa”ayuu yidhi, “Qodobkan dambe ee lagu eedeeyey ee dalka gudihiisa muu joogin, marka ay leeyihin wadanka dibaddiisa ayaad ka samaysayna wax uu dibadda ka sameeyey oo halkan la keenay ma jirto”ayuu yidhi qareen Barkhad oo ah qareenka u doodaya boqorka.

Haseyeeshee, waxa iyaguna xukunkan dhacay aan ku qanacsaneyn xeer ilaalinta dawladda oo sheegay in xukunkan ay rafcaan ka qaadanayaan.

Xukunkan ayaa baryahanba laga war sugayey, waxaana maanta si weyn loo adkeeyey amniga maxkamadda gobolka,iyadoo dadweyne badani ka soo qaybgaleen dhagaysiga xukunkan.

Si kastaba ha ahaatee, sharcigu waxa uu dhigayaa in uu iibsan karo xukunka ku dhacay ee halka sanno, wallow xeer ilaalintu rafcaan ka qaadatay.

Waa xukunkuu ugu horeeyey ee nin madax dhaqameed ah maxkamaddi xukun ku rido tan iyo intii dawladda xisbiga KULMIYE xilka la wareegtay, waxaana boqorka lagu eedeeyey aflagaado Qaran iyo kicin dadweyne, haseyeeshee boqorku wuu iska difaacay eedahaasi loo soo jeediyey.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland