4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan oo loo magacaabay inuu noqdo Afhayeenka AMISOM
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa yeeshay afhayeen cusub oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya, isagoo howsha kala wareegi doona afhayeenkii hore ee AMISOM Col. Paddy Ankunda oo u dhashay dalka Uganda.

G/sare Cali Aadan Xaamud oo ka hadlay munaasabaddii lagu magacaabay oo ka dhacday taliska ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin ee Xalane ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo afhayeenka ciidamada AMISOM.

"Waxaan ballanqaadayaa inaan howsha la ii igmaday kasoo bixi doono; hadba halka ay howlgalladu marayaanna aan soo bandhigo, waxaana ku faraxsanahay inaan ku hadlo afka Soomaaliga ayna Soomaalidu si wanaagsan ii fahmi doonaan," ayuu yiri G/sare Xaamud oo saxaafadda la hadlay.

Afhayeenkii hore ee Ciidamada AMISOM, Col. Paddy Ankunda oo Uganda kasoo jeeda oo isagana saxaafadda kula hadlay Xalane ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay afhayeenka cusub ee la magacaabay ciidamada Midowga Afrika uuna ka caain doonisagoo u rajeeyay howl wacan.

Sarkaalkan Jabuutiyaanka ah ayaa ciidamada dalkiisa ka mid ahaa muddo 20-sano ah, isagoo ka mid ahaa saraakiishii tababarka siiyay ciidamada dalka Jabuuti ee ka mid noqday howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, sarkaalkan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan guulo laga gaari doono howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, kaasoo ay qaybta ka yihiin ciidammo ka socda dalalka: Uganda, Burundi, Kenya, Sierra Leone iyo Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya