6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Guddiga Ammaanka Qaranka oo sheegay in waddooyin ka tirsan Muqdisho loo xirayo Ansixinta Dastuurka Cusub
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Guddiga ammaanka Qaranka ayaa sheegay in jidadka Muqdisho qaarkood si KMG ah loo xirayo laga bilaabo 10-ka bishan oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota, iyagoo sheegay in wadooyinka ay xirnaan doonaan muddo laba todobaad ah.

Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan ay guddiga amaanka Qaranka ku yeesheen magaalada Muqdisho maanta oo Axad ah, iyadoo la sheegay in muddadaas ay uu ka socon doono dugsiga tababarka booliiska ee Scola Pulisio kulan lagu ansixnayo qabyo-qoraalka dastuurka.

"Laga billaabo 10-ka bishaan waxaa xirmi doona wadooyinka dhowr ah oo taga Iskoolka booliiska, kuwaasoo aan loo ogolaan doonin inay gaadiidku maraan, sidoo klae waxaa xirmaya jidka Maka Al-Mukarama oo loo ogolaan doono in dadka keliya ay maraan," ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee DKMG ah, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo saxaafada u akhiriyay warkan.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in sababta ay u soo hormariyeen warkan uu yahay si aysan shacabku ugu qaldamin, wuxuuna xusay in wadooyinkaas la dhigi doono ciidammo fara badan oo loogu talogalay inay ammaanka sugaan dadka qaldamana u sheegaan in jidku xiran yahay.

Tallaabadan ayay dowladda KMG ah ku sheegay inay tahay mid lagu adkenayo ammaanka goobta uu shirku ka socdo, iyadoo lagu wado in muddadaas lagu ansixiyo dastuurka cusub oo ay dowladu dhawaan u gudbisay odayaasha dhaqanka.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in bishan dhamaadkeeda lasoo xulo xidhibaanada cusub ee bedeli doona kuwa hadda shaqeynaya, waxaana lagu sheegay qorshahan inuu yahay mid ay Soomaaliga kaga gudbayso xiliga KMG ah ee ay muddada dheer kusoo jirtay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/8/2012 2:15 PM EST
Axad, July 08, 2012(HOL): Kulan balaadhan oo ay soo abaabuleen Ururka Ardayda Soomaaliyeed SYDRC aya ka dhacay magaaladan London, Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen arday waxka barata jaamacadaha Qaaradan Yurub gaar ahaan dalka Ingiriiska,Kulankan waxa kasoo qaybgalay qaar ka mid ah madax sar sare oo wax ka dhiga jaamacada dalkan Ingiriiska,Haween ka socda dawlada Hoose iyo dhalinyaro Soomaali ah oo ka mid ah madaxda Dawlada hoose ee qayb ka mid ah xaafadaha London.

7/8/2012 11:33 AM EST
Axad, July 08, 2012(HOL): Siyaasiga Yaasiin Maaxi Macallin ayaa musharaxnimadiisa madaxweynenimada Soomaaliya kaga dhawaaqay Magaalada Katrinholm ee dalka Sweden, isagoo xafladdii musharaxnimadiisa ka sheegay in haddii la doorto uu isbedel ku sameyn doono Soomaaliya.

7/8/2012 9:03 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madow oo muddo ka badan boqol cisho u xidhnaa dambiyo lagu soo Oogay ayaa maanta lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah, ka dib markii la sheegay in lagu helay eeddo ah ceebeen iyo kicin dadweyne.

7/8/2012 8:47 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, ruux kalena wuu ku dhaawacmay dagaal kooxo hubeysan ku dhexmaray deegaanka Balli-Howd oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

7/8/2012 8:17 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha DKMG ah ee Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud ayaa sheegay maanta oo Axad ah in hay'adaha iyo shirkaha aan diiwaan-gashanayn aysan ka shaqeyn karin gudaha dalka, sidoo kalena wuxuu ka digay in magaalada Muqdisho lagu qaato hub aan sharci loo haysan.

7/8/2012 8:02 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Golaha wakiilada Puntland oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka doodayay xaaladda gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laas-Caanood oo muddo ka maqan gacanta dowlada Puntland ayaa maanta isku raacay in dowladda ay go'aan cad ka qaadato arrinta magaalada Laascaanood.

7/8/2012 7:48 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Alla ha u naxariistee waxa shalay galab geeri naxdin lihi ka dhacday jidka u dhexeeye Berbera iyo Hargeysa, kaas oo galaaftay saddex qof oo isku qoys ah iyo nin kale oo la socday, halkaas oo ay afartooduba ku geeriyoodeen.

7/8/2012 7:29 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Xukuumadda Eritrea ayaa eedeymo aan sal iyo raad lahayn ku tilmaantay eedeymo uu Mareykanku u jeediyay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamadeeda kuwaasoo lagu soo rogay cunno-qabteyn dhinaca maaliyadda ah.

7/8/2012 4:52 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka warbixiyay xaaladaha amaanka iyo siyaasada gobolka Hiiraan.

7/8/2012 2:01 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa yeeshay afhayeen cusub oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya, isagoo howsha kala wareegi doona afhayeenkii hore ee AMISOM Col. Paddy Ankunda oo u dhashay dalka Uganda.

7/8/2012 1:45 AM EST
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dhaawacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, wariye C/qaadir Cumar Cabdulle (Kuwaral) oo ka mid ahaa wariyeyaasha telefishinka Universal, iyadoo dhaawaca wariyaha la dhigay isbitaalka Madiina.