4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Golaha Wakiillada Puntland oo Maamulkooda ka dalbaday inay dib u soo ceshadaan gacan ku haynta Degmada Laascaanood
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Golaha wakiilada Puntland oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka doodayay xaaladda gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laas-Caanood oo muddo ka maqan gacanta dowlada Puntland ayaa maanta isku raacay in dowladda ay go'aan cad ka qaadato arrinta magaalada Laascaanood.

Fadhigii maanta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay 41-mudane iyagoo doodo adag ka yeeshay arrinta ku saabsan degmada Laascaabood oo sannad ka hor ay ciidamada Somaliland ka qabsadeen Puntland.

Doodda kaddib ayaa cod la geliyay arrinta degmada Laascaanood iyadoo 39 ka mid ah xubnihii maanta kulanka soo xaadiray ay isku raaceen in xukuumadda Puntland ay arrintaas ka yeelato siyaasad cad oo ku saabsan qaabkii degmadaas dib loogu soo celin lahaa. Iyadoo labada xubnood ee kalena ay ka aamuseen arrintan.

Go'aanka ay maanta gaareen golaha wasiirrada Puntland ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo xalay qarax lagu weeraray guriga taliyaha sirdoonka gobolka Sool ee Somaliland uu ka daggan tahay magaalada Laascaanood kaasoo uu hal qof ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Kulankii maanta oo ahaa kal-fadhigii 28-aad ee uu yeesho baarlamaanka Puntland ayaa intii uu socday waxaa xildhibaannada loosoo gudbiyay ajandayaal fara badan oo xasaasi ah, kuwaasoo looga fadhiyo inay ka doodaan.

Xukuumadda Puntland ayaan wax jawaab ah ka bixin go'aanka ay xubnaha golaha wakiilladu ku gaareen kulankooda maanta, iyadoo tan iyo markii ay furmeen kal-fadhiyada baarlamaanka Puntland la ansixiyay xeerka xisbiyada siyaasdda Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya