4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Maanta Hakaday iyo Qarax lagu Weeraray Koontarool ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen


Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta oo Jimco ah hakaday shirkii ansixinta dastuurka oo geli lahaa maalitiisii saddexaad, iyadoo qarax khasaare geystay lagu weeraray bar-koontarool oo laga ilaaliyo goobta uu shirku ka socdo.

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jarbiil oo ka hadlay sababaha uu shirku u baaqaday ayaa sheegay inay tahay cilad farsamo oo ku timid kambiyuutarradii laga xaadirin lahaa ergada.

"Cillado farsamo ayuu shirku saakay u hakaday, waxaana cillado ay ku yimaadeen kombiyuutarradii lagu baari lahaa ergada, waana la hagaajiyay berrina si caadi ah ayuu ku billlaabanayaa," ayuu yiri wasiirka oo sheegay in taasi ay tahayh

Dhanka kale, qarax miino oo geystay dhimashada hal qof iyo dhaawaca dhowr qof oo kale ayaa saakay ka dhacay bar koontarool oo ay ku suganayeen ciidamada DKMG ah, taasoo laga ilaaliyo xarunta shirka.

Bartan koontarool oo ku taallay xaafadda Sheelare ee degmada Xamarjajab, iyadoo qofka ku dhintay qaraxa uu ahaa rayid goobta ka ag-dhawaa halka dadka ay kasoo gaareen dhaawacyada ay ku jireen askar.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ay howgallo ka billaabeen agagaarka deegaannada ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaasoo ay kasoo qabqabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen.

Tan iyo xalay waxaa socday weerarro lala beegsanayo goobta uu shirku ka socdo taasoo muujinaysa in weli ay magaalada Muqdisho ahayn mid ammaankeeda la isku halleyn karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya