Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay soo gaba-gabeeyeen wajigii koowaad ee howlgalladii ciidan ee ay ka wadeen magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, isagoo sheegay inuu billaabi doono wajiga labaad ee howgalkooda Soomaaliya.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray inay qorsheynayaan inay gaaraan gobollada kale ee dalka oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
"Howgalkeenna wajigiisii koowaad waan soo gabgabeynay, waxaana kaga saarnay Al-shabaab degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka tirsan Shabeellooyinka; waxaan dhawaan billaabi doonnaa howgallada wajigoodii labaad," ayuu yiri Col. Xaamud.
Ciidamada AMISOM ayaa waxay tan iyo billowgii sannadkii hore kula dagaalamayeen Muqdisho xoogagga Al-shabaab, taasoo keentay in Al-shabaab ay bishii Ogoosto ee sannadkii hore ku dhawaaqeen inay isaga baxeen degmooyin dhowr ah oo Muqdisho ay kaga sugnaayeen sababo ay ku sheegeen xeelad dagaal.
Taasi waxay sahashay in ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Muqdisho oo dhan ayna u gudbaan degmooyinka ku dhow, waxaana howgalladaas dhulka looga qabsaday Al-shabaab dhiirri-geliyeen beesha caalamka oo muddo dheer ku taamaysay in Muqdisho ay gacanta dowladda KMG ah gasho.
Ugu dambeyn, afhayeenka AMISOM ayaan sheegin xiliga ay wajiga labaad ee howl-galladoodu billaaban doonaan iyo deegaannada ay sida rasmiga ah u doonayaan inay kala wareegaan Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab ay tan iyo sannadkii hore ka baxayeen deegaanno ay awood badan ku lahaayeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Afhayeenka AMISOM oo sheegay inay soo Gabgabeeyeen Wajigii Koowaad howgalladii ay ka wadeen Muqdisho iyo Hareeraheeda
More News
- Calanka Soomaaliya oo caawa mar kale fagaare Caalami ah ka soo muuqday
- Warbixin Oradyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada London
- Maamulka Somaliland oo sheegay inuu hakiyay Wadahadalkii uu kula jiray Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
- Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga oo Soomaaliya u soo dirtay Gaadiid qayb ka qaata dib u dhiska Magaalada Muqdisho
- Safiiraddii dalka Venezuela u fadhiday Kenya oo maydkeeda laga helay Nairobi
- Isbahaysiga Madaxa-banaan ee Turxaan bixinta Somalia ee IFISO oo warsaxaafadeed kasoo saaray Muqdisho
- Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Maanta Hakaday iyo Qarax lagu Weeraray Koontarool ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen
- Saraakiisha Dowladda KMG Soomaaliya ee Jubbooyinka oo sheegay inay duullaan ku yihiin Magaalada Kismaayo
- Wasiirka Dastuurka Somalia oo sheegay in xalay Hoobiyeyaal lagu Weeraray Xarunta uu ka socdo shirka Ansixinta Dastuurka
- Tartan kubada cagta oo lagu maamuusayo Bisha Ramadaan oo ka furmay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Ururka XAQSOOR oo soo dhoweeyey Nabadda uu ku baaqay Hogaamiyaha SSC, iyagoo ugu baaqay Xukuumadda inay Gogosha Nabadeed u bedesho Ficil
- Dadweyne gadoodsan oo weerar ku qaaday Maayarkii magaaladda Caynaba, gobolka Saraar, Somaliland
- Dowladda Britain oo xaqiijisay in ciidammo caawinaya kuwa AMISOM ay kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho