4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Ururka XAQSOOR oo soo dhoweeyey Nabadda uu ku baaqay Hogaamiyaha SSC, iyagoo ugu baaqay Xukuumadda inay Gogosha Nabadeed u bedesho Ficil

Jimco, July, 27, 2012 (HOL)- Hogaanka Sare ee ururka Siyaasadeedka XAQSOOR Somaliland, ayaa soo dhoweeyey nabaddii uu ku dhawaaqay hogaamiyaha SSC Saleebaan Xago Toosiye, waxaanay ku baaqeen in nabadaasi la wada qaato, xukuumadana ugu baaqay inay baaqii nabadeed ee ay u jeediyeen reer Buuhoodle ay ficilkii ku daraan oo nabadaasi si weyn loo taageero.

Gudoomiyaha XAQSOOR oo ah madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland, Md: Xasan Ciise Jaamac ayaa nabadaasi lagaga dhawaaqay Buuhoodle ku tilmaamay fursad weyn, isagoo sheegay in haddii ay taladda ku guulaystaan ay wax badan ka bedeli doonaan cabashooyinka jira, isla markaana wax kasta oo cadaalad darada xumaynaya ama dadka kala fogaynaya ay meesha ka saaridoonaan.

“ Fursad  cusub baa iminka ka soo baxday Buhoodle oo aan hore u jirin oo aannu doonayno in waddanka looga faa’iideeyo, fursadaasina waa raggii madaxda ka ahaa dhinaca dagaalka xagga bariga ka soo waday, gaar ahaan hoggaankoodii Saleebaan Xagle-toosiye ayaa Buuhoodle kaga baaqay in nabada la qaato, xukuumadda Somaliland way ka warhaysaa oo gogol nabadeed bay u fidisay”ayuu yidhi gudoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise, waxaanu xusay in gogoshaa nabada ah ay ficil u badalaan.

“Mar haddii arrintan soo baxday oo uu Saleeban Xagle-toosiye ku dhawaaqay nabadii waxaannu doonayna in Somaliland aad uga faa’iidaysato oo bishan barakaysan ee ramadaan fursada ku soo beegantay aynu manafacaadsano”ayuu raaciyey gudoomiyuhu.

“Kolay ninka jabhadka ahi waqti buu leeyahay oo waayo-ragnimo badan buu soo helaa, maantana waxaad moodaa inuu horseedaayo xoojinta nabadii oo dagaalkii uu shalay ku jiray maantana ka baxo aad baanan ugu mahad-celinaya Saleebaan Xaglo Toosiye”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka 1aad ee XAQSOOR Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule).

Waxa uu intaas ku daray “XAQSOOR ahaan waxaannu reer Buuhoodle kula talinayna inay nabada qataan, dagaal waxba lagama faa’iido, waxa kale oo aan sheegayaa reer kii yidhaa dawlad baannu noqonayna annagu raas qudha waxa qasaba inaanay isu noqonayn.”.

Sidoo kale, Cali Sandule waxa uu u duceeyey fanaanadda Saado Cali Warsamo oo dhowaan ku dhaawacantay shil baabuur magaaladda Garowe, isagoo reer Somaliland ugu baaqay inay fanaanadu hore ugu hiilisay Somaliland, isla markaana imika ay soo dhoweeyaan, aadna uga xun yahay dhibaatada ku dhacday, waxaanay sheegay in ururkooddu ku soo dhoweynayaan oo Somaliland timaado isla markaana aanay iyana ku talaxtagin arrimaha qaar.

Waxa kale oo shacabka Somaliland u sheegay in maamuladda ka jira Somalia ay iskugu mid yihiin, isla markaana sheikh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole aanay dadku kala jeclaysan ee ay isku mid uun u arkaan, isla markaanna kala xigin, oo ay u arkaan uun inay Somalia wada yihiin, xuduudna ka dhexeyso.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka 2aad Axmed Cabdi Kaahin (Casood) oo sheegay in abaaro baahsani ka jirto galbeedka Somaliland, isla markaana ay safar ku mareen bal si ay usoo dareemaan nolosha ay ku nool yihiin, isagoo Hay’adaha ugu baaqay inay dadkaasi loo gurmado oo ay jirto meelo badan oo aanay wali gaadhin deeqdii Raashinka ahayd ee loo dirayey dadka abaaruhu ku dhufteen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland