Jimco, July 27, 2012 (HOL) - Haweenaydii ahayd safiirka dalka Venezuela u joogta Kenya Olga Fonseca ayaa laga helay maydkeeda guriga ay daganayd oo ku yaallay xaafada Runda ee magaalada Nairobi.
Olga Fonseca ayaan la xaqiijin sida ay ku dhimatay inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan in la sumeeyay amaba la ceejiyay.
Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi Anthony Kibuchi ayaa saxaafadda u sheegay in wali ay socdaan baaritaan lagu ogaanayo qaabka loo dilay haweenaydan, iyadoo loo qabtay dilkeeda 4 qof oo Kenyaati ah kuwaasoo kamid ahaa shaqaalahii gurigeeda.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soconayay buuq u dhexeeya qaar kamid ah shaqaalaha safaarada oo Kenyaati ah iyo Olga Fonseca oo iyadu dhawaan shaqada kala wareegtay safiirkii iyada ka horreeyay.
Shaqaalaha Kenyaanka ah ayaa dacwad ka geeyay safiirkii hore ee dalka Venezuela ambassador Gerarto da Silva oo ay ku eedeeyeen inuu isku dayay falal anshax xumo ah, sida kufsi iyo waxyaabo kale, waxaase arrintan ka hortimid safiiradda cusub ee la dilay oo shaqadii ka eriday dhammaan dadkii dacwadaha soo joodiyay, taasoo markii dambe isu badashay buuq hareeyay safaarada.
Ma cada wali cida ka dambaysa dhimashada safiirada Venezuela, waxaase madaxweynaha dalkaasi Hugo Chavez uu ku eedayaa Maraykanka iyo Israel inay maleegayaan weeraro ka dhan ah dalkiisa, isagoo dhowr goor oo horana ku eedeeyay Maraykanka inay isku dayeen shirqoollo lagu khaarajinayo.
Venezuela ilaa iyo hadda wax war kama soo saarin dilka safiiradoodii magaalada Nairobi, waxaase ay Kenya ballan qaaday inay soo qaban doonto cidii ka dambaysay.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Safiiraddii dalka Venezuela u fadhiday Kenya oo maydkeeda laga helay Nairobi
More News
- Calanka Soomaaliya oo caawa mar kale fagaare Caalami ah ka soo muuqday
- Warbixin Oradyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada London
- Maamulka Somaliland oo sheegay inuu hakiyay Wadahadalkii uu kula jiray Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
- Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga oo Soomaaliya u soo dirtay Gaadiid qayb ka qaata dib u dhiska Magaalada Muqdisho
- Isbahaysiga Madaxa-banaan ee Turxaan bixinta Somalia ee IFISO oo warsaxaafadeed kasoo saaray Muqdisho
- Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Maanta Hakaday iyo Qarax lagu Weeraray Koontarool ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen
- Saraakiisha Dowladda KMG Soomaaliya ee Jubbooyinka oo sheegay inay duullaan ku yihiin Magaalada Kismaayo
- Wasiirka Dastuurka Somalia oo sheegay in xalay Hoobiyeyaal lagu Weeraray Xarunta uu ka socdo shirka Ansixinta Dastuurka
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay inay soo Gabgabeeyeen Wajigii Koowaad howgalladii ay ka wadeen Muqdisho iyo Hareeraheeda
- Tartan kubada cagta oo lagu maamuusayo Bisha Ramadaan oo ka furmay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Ururka XAQSOOR oo soo dhoweeyey Nabadda uu ku baaqay Hogaamiyaha SSC, iyagoo ugu baaqay Xukuumadda inay Gogosha Nabadeed u bedesho Ficil
- Dadweyne gadoodsan oo weerar ku qaaday Maayarkii magaaladda Caynaba, gobolka Saraar, Somaliland
- Dowladda Britain oo xaqiijisay in ciidammo caawinaya kuwa AMISOM ay kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho