![]() |
Ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee madaxa-bannaan ayaa tan iyo billowgii bishii May, 2012 waxay ku mashquulsanaa dhisidda isbaheysiga madaxa-bannaan ee turxaan-bixinta Soomaaliya (IFISO) si ay baaritaan ugu sameeyaan qaabka ay beelahu u soo magacaabayaan murashaxiinta illaa laga gaarayo ansixintooda, markaasoo ay buuxin doonaan xaafiisyada rasmiga ah ee dowladda, sida baarlamaanka, madaxtooyada iyo xukuumadda – ugana hortagaan xulitaanka shaqsiyaad geystay dambiyo dagaal, dambiyo dhan ka ah aadaminnimada iyo xadgudubyo culus oo loo geystay xuquuqda aadanaha.
Waxay IFISO ka kooban tahay xubnaha ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee u ololeeya sidii Soomaaliya u noqon lahayd Jamhuuriyad federaal ah oo wax-ku-ool ah, kuna dhisan caddaalad iyo dimoqraaddiyad.
Waxaa ka mid ah ujeeddooyinka IFISO sidii loo dhisi lahaa hab lagula xisaabtamo dadka horay u geystay dambiyo dagaal, dambiyo dhanka ka ah aadaminnimada iyo xad-gudubyada culus oo lagu jabiyay xeerka iyo caadooyinka dagaallada, amaba ku lug lahaa tacaddiyo culus oo baahsan, dhanna ka ah xuquuqda aadanaha, kana dhacay Soomaaliya.
Haddaba si loo helo musharraxiin ka madax-bannaan arrimahaas oo dhan ayaa waxaa laga codsanayaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay si aad ah uga baaraan-degaan shaqsiyaadka ay u xulayaan jagooyinka sare ee dowladda, isla markaana inta aysan magaciisa gudbin hubiyaan inuusan ku sifoobin mid ama dhowr ka mid ah qodobbada soo socda:
- Ka qeybgalka dagaallada sokeeye ama hoggaaminta xad-gudubyo waaweyn oo ay geysteen xukuumadihii dalka soo maray.
- Ka qeyb-qaadashada abaabul, kicin iyo gubaabin dagaal sokeey oo lagu gummaaday dad rayad ah; iydoo aan cidna loo aabboyeelin.
- Abaabulka iyo ka qeyb-qaadashada dilal qorsheysan oo lala beegsaday dad rayid ah.
- Abaabulka iyo ka qeyb-qaadashada xeelado sababay macluul iyo dhimasho.
- Hor-istaagga gargaar aadaminnimo oo ku socday dad Soomaaliyeed oo la il-daran gaajo iyo macluul.
- U adeegsiga carruur askarinimo.
- Abaabulka ama ka qayb-qaadasha falal argagixiso.
- Ku-tagri-fal ama dayacid hanti Qaran.
- Xatooyo xoolo dadweyne.
- Ku lug lahaanshaha burcad-badeednimo
- Ku-tagri-fal awoodeed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
