Sabti, July 28, 2012(HOL): Calanka Soomaaliya ayaa caawa mar kale ka soo muuqday fagaare caalami ah oo lagu soo bandhigayay calammada in ka badan 200 oo dal oo caalamka ka tirsan.
Orodyahannada Soomaaliyeed ee Zamzam Cali Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo Isboorti ayaa calanka ku soo bandhigtay furitaanka ciyaaraha Olombikada Adduunka ee London.
Soomaaliya waxaa tartankan uga qeybgelaya Zamzam Cali Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo tartankan uga soo dhoofay Magaalada Muqdisho , kuwaasi oo kala ordi doona 400 mt iyo 1500 mt, waxaana laga rajeynayaa labada orodyahan in ay natiijo wax ku ool ah ka keenaan tartankan.
Sanadkii 2008 ayay ahayd markii wafdi sare oo ka socda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS iyo ciyaartoy ay ka qeybgaleen tartankii Olombikada Adduunka ee Beijing-China lagu qabtay, wuxuuna wafdigaas Soomaaliyeed iyo ciyaartoydiiba ay calanka Soomaaliya ku soo bandhigeen fagaarahaas caalamiga ahaa ee Beijing, waxayna taas ahayd mid si weyn loogu farxay.
Tartanka Olombikada Adduunka ee London Olympics 2012 ayaa waxaa caalamka ka daawan doona dad lagu qiyaasay 4 million oo ruux, halka ay ka soo qeybgelayaan shakhsiyaad isboorti oo ciyaartoy, madax iyo taageerayaal isugu jira, kuwaasi oo ka kala imaan doona 205 dal oo uu dalka Soomaaliya ku jiro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Calanka Soomaaliya oo caawa mar kale fagaare Caalami ah ka soo muuqday
More News
- Warbixin Oradyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada London
- Maamulka Somaliland oo sheegay inuu hakiyay Wadahadalkii uu kula jiray Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
- Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga oo Soomaaliya u soo dirtay Gaadiid qayb ka qaata dib u dhiska Magaalada Muqdisho
- Safiiraddii dalka Venezuela u fadhiday Kenya oo maydkeeda laga helay Nairobi
- Isbahaysiga Madaxa-banaan ee Turxaan bixinta Somalia ee IFISO oo warsaxaafadeed kasoo saaray Muqdisho
- Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Maanta Hakaday iyo Qarax lagu Weeraray Koontarool ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen
- Saraakiisha Dowladda KMG Soomaaliya ee Jubbooyinka oo sheegay inay duullaan ku yihiin Magaalada Kismaayo
- Wasiirka Dastuurka Somalia oo sheegay in xalay Hoobiyeyaal lagu Weeraray Xarunta uu ka socdo shirka Ansixinta Dastuurka
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay inay soo Gabgabeeyeen Wajigii Koowaad howgalladii ay ka wadeen Muqdisho iyo Hareeraheeda
- Tartan kubada cagta oo lagu maamuusayo Bisha Ramadaan oo ka furmay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Ururka XAQSOOR oo soo dhoweeyey Nabadda uu ku baaqay Hogaamiyaha SSC, iyagoo ugu baaqay Xukuumadda inay Gogosha Nabadeed u bedesho Ficil
- Dadweyne gadoodsan oo weerar ku qaaday Maayarkii magaaladda Caynaba, gobolka Saraar, Somaliland
- Dowladda Britain oo xaqiijisay in ciidammo caawinaya kuwa AMISOM ay kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho