4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Dadweyne gadoodsan oo weerar ku qaaday Maayarkii magaaladda Caynaba, gobolka Saraar, Somaliland

Jimco, July 27, 2012 (HOL)- Dadweyne Cadhaysan ayaa shiid iyo dhagax ku weeraray maamulka dawladda Hoose ee degmadda Caynaba, waxaanay halkaasi dhaawac ka soo gaadhay maayarkii magaalada iyo masuuliyiin kale.

Mudaharaadkan ayaa ka dambeyey ka dib markii dhul dan guud ah la sheegay inay dawladda hoose ay si sharci daro ah cid gaar ah u siisay, taasina ay keentay inay dadkii ka gadoodaan oo ay weerar ku qaadaan maamulka dawladda hoose ee degmadda Caynaba ee gobolka Saraar.

Maayarka Caynaba Khaliif Ismaaciil Saleebaan,ayuu dhaawac ka soo gaadhay shiidkii dadkaasi cadhaysan, isla markaana waxay dadweynaha reer Caynaba kala xidheen wadooyinkii magaaladda dhexdeedda.

wararka naga soo gaadhay degmadda Caynabo ayaa sheegaya in uu mudaharaadku ka dhashay dhul ka mid ah Dhulalka Danta Guud, kaasi oo ay qaar kamid ah masuuliyiinta dowlada hoose si gaar ah u seesteen, isla markaana ay taasi ka biyo diideen dadweynaha ku dhaqan magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar, isla markaana sheegay in dhul dan guud ah aanu qof lahaan Karin basle uu ka dhexeeyo ummadda.

Murankan dhulka ayaa maalmihii u dambeeyey soo shaac baxay, waxaanay dawladda hoose iyo maamulka gobolku midba mid kale ku eedeeyey inay kicinta dadka ka dambeeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, Maayarka degmadda Caynabo Khaliis Ismaaciil oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhay, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan iyo siday wax u jiraanba.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland