4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Faahfaahinno kasoo baxaya Weerarro khasaare badan geystay oo lagu qaaday Kaniisado ku yaalla Magaalada Gaarisa

Axad, July 01, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof oo laba sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ay ku jireen ayaa ku dhintay, 50-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday lagu weeraray laba kaniisadood oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Weerarradan oo isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah ayaa dowladda Kenya waxay ku eedeysay Xarakada Al-shabaab oo ciidamadooda ay kula dagaalamayaan qaybo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, inkastoo Al-shabaab aysan sheegin inay mas'uul ka tahay weerarkaas iyo in kale.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Philip Ndolo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarka kaniisadaha ay isugu jireen kuwo toos ah iyo bambooyin isagoo xusay in 15-qof ee dhintay dhammaantood la toogtay.

"Dadka dhintay waxaa ku jiray laba sarkaal oo booliis ah, kuwaasoo lagu toogasho toos ah; dadka kale ee dhintay waxaa ka mid ahaa lix haween ah iyo laba rag ah," ayuu taliye ku xigeenku u sheegay warbaahinta.

Isbitaalka guud ee Gaarisa ayaa la dhigay dhaawacyadii ka dhashay weerarrada, iyadoo dadka intooda badan ay ku dhaawacmeen rasaas la furay qaraxyada kaddib, waxayna dhaawacyadu isugu jiraan kuwo halis ah iyo kuwo fudud.

Goobjooge magaciisa ku sheegay Dennis Nzioki oo ku sugnaa bannaanka kaniisadda AIC ayaa saxaafadda u sheegay in bambooyin lagu tuuray kaniisadda ayna kaga dhaceen dusha sare uuna maqlay qarax weyn, markaas kaddibna la furay rasaas fara badan.

Weerar ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalin ka hor laga xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya laga afduubay afar ruux oo samafalayaal ah kuwaasoo u shaqeynayay hay'adda NRC weli aan la ogeyn halka lagu haysto.

Bishii Abriil ee sannadkan ayaa bambooyin lagu weeraray kaniisad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu dilay laba qof 15-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa gaaray.

Dalka Kenya ayaa tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo uu ciidammo u diray gudaha Soomaaliya waxaa ka dhacayay qaraxyo lala beegsanayo goobo ay ka mid yihiin kaniisadaha, boosteejooyinka basaska laga raaco iyo goobaha kale ee muhiimka ah, kuwaasoo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya