4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in sarkaal iyo ciidammo ka tirsan DKMG ah ay ku dileen Dagaal ka dhacay Deegaanka Lafoole
Axad, July 01, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay weerar ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ku dishay taliyihii ciidamada DKMG ah ee deegaankaas oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkan oo dhacay xalay ay ku qaadeen xerada agoonta Lafoole oo fariisin u ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaankaas.

"Mujaahidiintu waxay xalay weerareen xero agoon oo saldhig u ah ciidamada DF ee ku sugan halkaas, waxaana ku dilnay taliyihii ciidamadaas G/dhexe Bashiir Sheekh Maxamed iyo 13-askari oo kale," ayay yiraahdeen saraakiisha Al-shabaab u hadlay.

Dowlada Soomaaliya ayaan ka hadlin sheegashada Al-shabaab mana jirto cid kale oo madaxbanaan oo xaqiijinaysa sarkaalka iyo cidamada la dilay inkastoo dadka weli ku nool deegaanka Lafoole ay sheegeen in xalay uu dagaal culus ka dhacay xerada agoonta.

Xoogagga Al-shabaab ayaa tan iyo dhammaadkii bishii May oo lagala qabsaday deegaannada ku yaalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo weliba degmada Afgooye waxay weerarro ku qaadayeen fariisimo ay ciidamadu halkaas ka sameysteen.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa gacanta ku inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ku yaalla fariisimo ay ciidamadu ka sameysteen jidkaas oo ay ku yallaan xaafado ay sameysteen dadkii Muqdisho uga barakacay dagaallada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya