4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Qarax khasaare geystay oo lala eegtay Kaniisado ku yaalla Magaalada Gaarisa

Axad, July 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Garisa ayaa sheegaya in goordhow qarax xooggan uu ka dhacay goob kaniisad ah oo ay ku sugnaayeen dadweeyne fara badan, iyadoona la sheegay in qaraxu sababay khasaarooyin lixaad leh.

Ilaa imika ma cada tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxa, haseyeeshee waxa lagu soo waramayaa in qaraxa oo la aaminsayahay in uu ahaa nooca Bambaanooyinka gacanta laga tuuro uu ka dhacay gudaha kaniisad ku taal degmada Garisa oo ay ka buuxeen dad fara badan.

"Qaraxa waxa uu ka dhacay gudaha kaniisadda, maantana Axad ayay ahayd oo dad fara badan ayaa ka buuxay Kaniisadda, waxaana goobta soo gaaray gawaari Ambalas ah oo dadkii ku waxyeeloobay Isbitalka u qaadayay," ayuu yiri Ahmed Deekh oo kamid ah dadka ku dhaqan Magaalada Gaarisa.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo faahfaahisay khasaaraha ka dhashay qaraxa, haseyeeshee waxa lagu soo waramayaa in qaraxu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ku jiray Kaniisadda.

Wixii warar ah ee kusoo kordha qaraxaasi dib ayaan idinka soo gudbin doonaa Insha'llah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya