4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo ku Dagaalamay Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose

Axad, July 01, 2012 (HOL) — Ciidmaada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaanka Qooqaani oo hoostaga Degmada Afmadow, iyadoona dagaalkaasi uu sababay khasaarooyin kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii xoogagga Al-shabaab ay wadada u galeen kolonyo ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo ku safrayay wadada isku xirta Qooqaani iyo Afmadow, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal kulul oo qaatay saacado badan.

Goobjooge magaciisa ka gaabsaday oo ku sugan deegaanka Qooqaani ayaa HOL u sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus, wuxuuna xusay in dagaalka markii hore uu kusoo fiday gudaha deegaanka Qooqaani balse markii danbe ayuu sheegay in banaanka magaalada laysla aaday.

Illaa imika inta la xaqiijiyay dagaalkii xalay waxa ku dhimatay ilaa todobo qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoona la sheegay in dhaawacu intaasi ka badanyahay, waxa ayna saraakiil u hadashay Al-shabaab sheegeen in dagaalkii xalay ay saacado kooban kula wareegeen deegaanka Qooqaani.

Saraakiisha dowladda KMG ee gobolka Jubada Hoose oo aan la xiriirnay ayay inoo suurogeli weysay in aan ka helno wax faahfaahin ah oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Xoogagga Al-shabaab ayaa aalaaba weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah waxa ay la beegsadaan ciidamada dowladda KMG, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ee isaga kala goosha deegaanada ay ku suganyihiin ee galbeedka gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya