
Axad, July 01, 2012 (HOL) - Boqollaal
Soomaali ah ayaa xalay isugu tagay gurigii hore ee safaarada Soomaalida ee
magaalada Nairobi, halkaasoo ay isugu yimaadeen qaar kamid madaxda qaranka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Safiirka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur Ameerika, xubno ka tirsan golayaasha wasiirrada iyo baarlamaanka, madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, qaar kamid ah fanaaniinta qaranka oo ay hormuud u ahayd fanaanadii ummada Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuuro) iyo dadweyne kumanaan gaarayay ayaa isugu tagay goobtaas.
Waxaana
dadweynaha la hadlay safiirka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur ( Ameeriko) oo
xafladaas soo qaban qaabiyay, isagoo sheegay inay farxad u tahay in dadka
Soomaaliyeed ay u dabaal dagaan 1-da Luuliyo iyadoo ay la joogaan madaxdoodii
qaranka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas oo goobtaas ka hadlay ayaa ammaanay halgamayaashii xorriyada, isagoo Soomaalidana ugu baaqay inay adkaystaan midnimadooda.
Ra’iisul
wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa isna u hambalyeeyay
ummada Soomaaliya isagoo ku boorriyay Soomaalida inay haatan u istaagaan dhisitaanka dawlad awood
leh oo soo celisa sharaftii ummada.
Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, wasiirkii hore ee gaashaandhiga
Soomaaliya C/xakiin Fiqi iyo madax kale oo fara badan ayaa iyaguna halkaas
khudbado ka jeediyay.
Fanaaniinta Soomaalida ee goobtaas joogay ayaa qaadayay heesaha wadaniga ah.
Markii
ay saacadu soo gaartay 12kii saqda dhexe ayaa la saaray calanka Jamhuuriyada
Soomaaliya.














Axmed
C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya