4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay adkeyn doonaan Amaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inay si weyn u adkeyn doonaan ammaanka Muqdisho inta lagu jiro doorashooyinka; isagoo xusay in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin xaqiijinta ammaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.

C/weli Gaas ayaa intaas ku daray in waqtigan adag ee lagu jiro loo baahan yahay in si wanaagsan looga gudbo si taasi loo helana ay dowlada KMG Soomaaliya xilligan ku mashquulsan tahay xasilinta ammaanka Muqdisho oo dad fara badan oo dibadda ka yimid ay soo gaareen.

“Ciidamada ammaanka si feejigan ayay u shaqeyaan maadama xiliga doorashada la galayo, si looga hortago in ammaanka qalqal la geliyo," ayuu yiri C/weli Gaas oo ku daray hadalkiisa in xukuumaddu ay dadaal weyn ugu jirto sidii looga gudbi lahaa xilliga KMG ah.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ka digay in la isku daro doorashada iyo dowladnimada, waxaana rajo ka muujiyay haddii taas la helo in si garbo siman ah loo tartami karo, waxaana uu ra’isul wasaaruhu meesha ka saaray in faragalin ay ku hayaan gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka cusub.

"Waan soo dhaweynaynaa diyaaradaha milateri ee Mareykanku uu ku wareejiyay dalka Uganda si ay uga qayb-qaataan xasilinta ammaanka iyo sidii dalka oo dhan looga saari lahaa Al-shabaab, mana ahan diyaarado loo keenay inay ilaaliyaan ammaanka goobaha dooashooyinku ka dhacayaan," ayuu Ra'iisul waasaruhu ka yiri diyaarado dhawaan lagu wareejiyay Uganda.

Hadalka ra'iisul wasaaraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli saldhigyada Muqdisho qaarkood la geeyay ciidammo booliis ah oo ka socda dalka Uganda, kuwaasoo lagu wado inay gacan ka geystaan sugidda ammaanka Muqdisho inta doorashooyinku socdaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya