Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ugaaska beesha Cabdalla oo ka mid ah beesha Direed, C/raxmaan Xaaji Xuseen Ibrahim kana mid ah 135-oday dhaqameed ee soo xulay ergadii ansixisay dastuurka ayaa sheegay in lagu diiday xildhibaanno uu u xulay inay ka mid noqdaan baarlamaanka soo socoda ee Soomaaliya.
Ugaaska ayaa sheegay in markii uu u geeyay guddiga farsamada xildhibaanadii uu soo xulay loo sheegay in xubin ka mid ah xildhibaannada uu qoray suldaan beesha ka mid ah, isagoo xusay in markii uu waydiiyay sababta loo sheegeen in guddiga khilaafaadku ay arintaa soo qoreen.
"Guddiga farsamada ninka ay suldaanka ku sheegeen ma ahan mid jira," ayuu yiri Ugaaska oo intaas ku daray: "'Go’aanka guddiga khilaafaatka wuxuu kasoo horjeedaa nidaamka lagu heshiiyay in lagu soo xulo xildhibaannada oo ah in 135-ka duub ee Soomaaliyeed ay soo xulaan xildhibaanada, beesheydana anigaa ugu jiro."
Sidoo kale, ugaasku wuxuu ku eedeeyay guddiga farsamada inay si sharci darro ah u sameeyeen arrintaas; waxayna meel ka dhac ku tahay xushmada iyo qadarinta ay leeyihiin duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.
"Aniga iyo beeshaydu waxaan kasoo horjeednaa faragelinta lagu sameeyo xubnihii aan u xulannay inay beesha ku matalaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya," ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Xaaji.
Ugu dambeyn, ugaasku wuxuu ku sheegay qoraal in guddiga farsamada ay dusha u ridan doonaan wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaado falka lagu sameeyay oo ah mid sharciga aan waafaqsanayn.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Mid ka mid ah Odayaasha soo xulaya Xildhibaannada Cusub oo sheegay in lagu diiday Xildhibaanno uu soo xulay
More News
- Guddiga Amniga Qaranka oo soo saaray go’aanno ku saabsan ammaanka dalka-SAWIRRO
- Musharxiin kulan ku yeeshay Muqdisho oo sameystay Isbahaysi ay ugu Magac-dareen Bahwadaagta Qaran ee Isbedel doonka ah
- Qarax Ciidamada Itoobiya lagula eegtay Magaalada Baladweyne iyo Rasaas ay fureen oo dhimasho Sababtay
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay adkeyn doonaan Amaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan
- Guddiga Farsamada ee xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in Berri ay ku dhawaaqayaan Xildhibaanada cusub
- Kulan lagu xusayay sannad-guuradii 1-aad ee kasoo wareegtay Markii ay Al-shabaab ka baxday Muqdisho oo lagu qabtay Wardhiigley
- Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo degmooyin cusub uga magacaabay deegaano ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool
- Filimada Soomaalida ee casriga ah ee qurbaha lagu jilayo oo sii kordhaya
- Ciidammo Rasaas khasaare geystay ku furay Dadweyne dhigayay Mudaaharaad ay ku Taageerayaan Imaanashaha Farmaajo
- Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada dhexe oo ka badbaaday Qarax miino oo lagula beegsaday Muqdisho
- Maxkamad ku taalla Kenya oo xabsiyo dheer ku xukuntay Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu helay Burcadbadeendimo
- Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho kusoo laabtay iyo Dibadbaxyo lagu taageerayo oo socda