![]() |
Markii ay Soomaaliya dagaallada sokeeye ka dhaceen ayaa Soomaali badan ay u qaxeen dhanka wadamada reer Galbeedka, iyagoo bilaabay samaynta aflaam casri ah oo ka turjumaya waaqica dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, kuwaasoo intooda badan ay alifeen dhalinyaro iskood isu xilqaamay oo doonaya inay ku cabiraan filimadan is faham la,aanta qoysaska iyo iska-horimaadka dhaqamada Soomaalida iyo kuwa dadka martida loo yahay ee wadamadaas ku nool.
Nabiil Nur oo kamid saxafiyiinta Soomaalida ayaa kamid dhalinyarada u weecday inay allifaan filimada cusub oo loo jilayo qaabka aflaamta casriga ah ee horay looga bartay Hollywoodka Maraykanka iyo Bollywoodka Hindiya.
Isagoo dhawaanahanba ku sugnaa magaalada Nairobi ayuu soo booqday xafiiska Hiiraan Online, wuxuuna ka warbxiyay fikrada ka dambaysay tallaabada uu qaaday.
Nabiil ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay
inay soo jiitaan jiilalka cusub ee Soomaalida oo uu doonayo inay ka weecdaan
filimada ajnabiga, ayna u soo bandhigayaan filimaan casri ah oo ilaalinaya
luuqada, qiyamka iyo dhaqanka Soomaalida oo uu ku tilmaamay in loo baahanyahay
in jiilasha cusub fursad loo siiyo inay daawadaan filimaan cusub oo ka badalan qaabkii hore oo
ku ekaa oo kaliya riwaayadaha masraxa lagu jilo oo dhalinyarada haatan joogta
aan u cuntamaynin. Hadaba filimada Nabiill Nur uu sameeyay ayaa waxaa waxaa
kamid ah WALAALAHA,QALALAASAHA iyo kuwa kale oo ay dhawaan soo bandhigayaan oo
inta badan
dadka Soomaalida ah gaar ahaanna dhalinya du u arkaan kuwo la
jaanqaadi kara xilliga haatan lagu jiro.
Filim sameeye Nabiil Nuur
Wuxuuna sheegay in Nairobi uu yimid inuu kusoo bandhigo filim cusub oo la baxay Dhig ama dhaqo.
Hadaba filimka la magic baxay dhig ama dhaqo ayaa lagu soo bandhigi doonaa Nairobi 19ka bishan august oo ku began maalinta ciida. Filimkan dhig ama dhaqo ayaa waxaa laga daawaday wadamada Sweden, Denmark finland, UK, iyo goobo kale oo kale badan, fariinta uu filimku wada ayaa ah mid lagu wacyi galinayo dhalinyarada soomaaliyeed xaga guurka,furitaanka iyo diinta.
Waxaana Nabiil uu sheegay inay uu ku rajo waynyahay inuu yagleelo shirakad filimaanta Soomaaliga ah kobcisa, sarena u qaada tayada filimada Soomaaliga (Somali Film Industry ).
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
