4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Musharxiin kulan ku yeeshay Muqdisho oo sameystay Isbahaysi ay ugu Magac-dareen Bahwadaagta Qaran ee Isbedel doonka ah
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay soo saareen 13-murashax oo ka mid ah kuwa u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa waxay kusoo ban-dhigeen inay ku dhiseen isbahaysi ay ugu magacdareen isbahaysiga isbedel-doonka Qaranka, iyagoo sheegay inay hal xubin u dooran doonaan ka qaybgala doorashada dhacaysa 20-ka bishan.

Xubnahan ayaa waxay sheegeen inay go'aankan qaateen markii ay arkeen sida ay wax ku socdaan, iyagoo sheegay inay qaab ka duwan sidii hore ay u fikireen ayna dhiseen isbahaysigan oo ay horay u sheegeen inay dhisi doonaan.

"Waxaan isku raacnay in xaalada dadka Soomaaliyeed uu ku jiraan ay tahay mid musiibo ah oo halis gelinaysa jiritaanka ummadda, sida nabadaglyo la'aan, gaajo, kala qaybsanaan, cuduro, shaqo xad-dhaaftay, daacad la'aan, karti xumo, qab-jab iyo inaysan jirin hiigsi qaran," ayay murashaxiinta ku sheegeen warsaxaafadeed ay maata soo saareen.

Sidoo kale, murashaxiinta waxay sheegeen inay isku raaceen insy lagama maarmaan tahay isbedel hoggaaneed iyo mid siyaasadeed oo dalka ka dhaca, uuna uga qaybgeli doono hal murashax inkastoo aysan magaciisa weli shaacin.

Guddoomiyaha Xisbiga nabadda iyo horumarka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa murashaxiinta kulmay ayaa sheegay inay dhawaan soo magacaabi doonaan xubinta uga qaybgalaysa doorashada, ayna dadaal u geli doonaan sidii uu isagu ku guuleysan lahaa.

Murashaxiinta isbahaysiga sameystay waxaa ka mid ah: Xaaji Maxamed Yaasiin, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, C/raxmaan C/shakuur, Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Nuur Galaal iyo xubno kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya