Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada dhexe, Daa'uud Xaashi Ciiro ayaa sheegay inay ku dhinteen qaraxaas miino saddex askari oo la socday gaari ilaalinayay mas'uulka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ciidammo kale oo uu ku jiray taliye ku xigeenka ciidamada degmada Balcad.
"Qaraxa oo ahaa miino jidka lagu qariyay waxaana xalay fiidkii lagula eegtay gaadiid uu watay beegsaday guddoomiye ku xigeenka gobolka xaafadda suuqa xoolaha, balse ma jirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray isaga," ayuu afhayeenku yiri.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose oo isaguna saxaafadda la hadlya ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, waxaana mas'uuliyadda weerarka sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidanka dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.
Mas'uulkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo lala beegsado qarax, iyadoo ay tani kusoo beegmayso iyadoo Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku dishay habeen hore guddoomiye ay dowladda KMG ah u magacowday deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya