Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Guddiga farasamada ee xulista xildhibaannada cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inay maalinta berri ah ku dhawaaqi doonaan tirada xildhibaannada ay hayaan, iyadoo ay weli jiraan cabashooyin ku aaddan sida lagu xulay xildhibaannada oo ka imaanaysa beelaha qaarkood.
Xarunta ay guddiga farsamada iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo ku taalla meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa buuq iyo sawaxan fara badan, iyadoo halkaas ku sugan yihiin xubno badan oo doonaya inay ka mid noqdaan xildhibaannada cusub ee dalka oo tiradoodu tahay 275-xubnood.
Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in guddiga ay gacanta ku hayaan 184 xubnood oo ka mid ah xildhibaanada soo socda, iyadoo mas'uuliyiinta guddiga ay sheegeen in tirada ay hayaan ay berri sheegi doonaan.
"Haddii tirada xildhibaannada baarlamanaka ay noqoto inta aan haynno oo keliya, waa lagu dhawaaqayaa howsha baarlamaanku waa billaabanaysaa, waayo waa tiro ku filan inay howsha waddo," ayuu yiri mid ka mid ah guddiga farsmada oo diiday inuu magaciisa sheego.
Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ilaalo xooggan ka haya goobta ay ku sugan yihiin labadan guddi, waxaana uu hadalkoosan kusoo beegmayaa iyadoo beeluhu ay aad uga biyo diiddan yihiin sida xildhibaannada lagu soo xulay.
Madaxda dowladda KMG ah ayaa waxay iska fogeeyeen inay faragelin ku hayaan guddiga xulista xildhibaannada cusub, iyadoo xubno guddiga ka tirsan ay sheegeen in lagu hayo faragelinno kaga imaanaya dhinaca madaxda dowladda KMG ah oo aysan u madax-bannaaneyn howshooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddiga Farsamada ee xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in Berri ay ku dhawaaqayaan Xildhibaanada cusub
More News
- Guddiga Amniga Qaranka oo soo saaray go’aanno ku saabsan ammaanka dalka-SAWIRRO
- Musharxiin kulan ku yeeshay Muqdisho oo sameystay Isbahaysi ay ugu Magac-dareen Bahwadaagta Qaran ee Isbedel doonka ah
- Qarax Ciidamada Itoobiya lagula eegtay Magaalada Baladweyne iyo Rasaas ay fureen oo dhimasho Sababtay
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay adkeyn doonaan Amaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan
- Kulan lagu xusayay sannad-guuradii 1-aad ee kasoo wareegtay Markii ay Al-shabaab ka baxday Muqdisho oo lagu qabtay Wardhiigley
- Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo degmooyin cusub uga magacaabay deegaano ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool
- Filimada Soomaalida ee casriga ah ee qurbaha lagu jilayo oo sii kordhaya
- Mid ka mid ah Odayaasha soo xulaya Xildhibaannada Cusub oo sheegay in lagu diiday Xildhibaanno uu soo xulay
- Ciidammo Rasaas khasaare geystay ku furay Dadweyne dhigayay Mudaaharaad ay ku Taageerayaan Imaanashaha Farmaajo
- Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada dhexe oo ka badbaaday Qarax miino oo lagula beegsaday Muqdisho
- Maxkamad ku taalla Kenya oo xabsiyo dheer ku xukuntay Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu helay Burcadbadeendimo
- Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho kusoo laabtay iyo Dibadbaxyo lagu taageerayo oo socda