4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Maxkamad ku taalla Kenya oo xabsiyo dheer ku xukuntay Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu helay Burcadbadeendimo
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa min 20-sano oo xabsi ah ku xukuntay toddoba dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo lagu helay dambi burcadbadeednimo, iyadoo xukunkan uu qayb ka yahay dadaalka lagula dagaalamayo burcadbadeedda Soomaaliya.

Toddobadan burcadbadeed ayaa waxaa soo qabtay markab dagaal oo ay Denmark bishii Oktoobar ee sannadkii 2009, xilligaasoo ay isku dayayeen inay afduubaan dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Sri-Lanka.

Garsooraha maxkamadda xukunka ridday oo lagu magacaabo Joyce Gandani ayaa sheegay in xarigga muddada dheer ee burcadbadeeddan lagu xukumay uu digniin u yahay kuwa kale, isagoo xusay inay soo kordhayaan kooxaha burcadbadeedda ah.

"Falka burcadbadeednimadu waa mid waxyeello weyn u geystay ammaanka iyo ganacsiga dunida isaga gooshaya iyo midka gobolka," ayuu yiri Gandani. Iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo maxkamad ku taalla dalka Kenya ay xukun noocan oo kale ah ku riddo dhallinyaro Soomaaliyeed oo burcadbadeednimo lagu helay.

Dhalinyarada la xukumay ayaa waxay magacyadooda kala yihiin: Barre Cali Faarax, Cabdi Maxamed, Cali Xuseen Xasan, C/kariim Nuur Shire, Bashiir Maxamed Cilmi, Cabdirisaaq Cabdullaahi Cali iyo Cabdulqaadir Xuseen Cali.

Qareenkii u doodayay dhallinyaradan oo lagu magacaabo, Jared Magolo ayaa xusay in xukunkooda uu ahaa mid lagu deg-degay, isagoo sheegay inaan xukunkooda laga jarin sannadihii ay ku jireen xabsiga dalka Kenya.

Maxkamado ku yaalla dalalka Yurub, Mareykanka iyo Jasiiradda Seychelles ee Afrika ayaa ku xukumay dhallinyaro Soomaaliyeed oo falal burcadbadeendimo lagu helay xabsiyo kala duwan oo qaarkood xabsi daa'in ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya