5/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo isaga baxay shirkii saxiixayaasha Roadmapka
Axad, August 05, 2012 (HOL) - Kadib khilaafaad soo dhex galay madaxda Soomaalida oo maalintii labaad uu Nairobi uga socday shirkii saxiixayaasha Roadmapka, maalin kadib markii ay la kulmeen Hillary Clinton ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka baxay shirka.

Madaxweynaha ayaa u duulay magaalada Muqdisho, kadib markii ay fashilmeen dadaalo lagu soo celinayo oo uu waday ergayga qarmada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga.

Waxaana warar hoose oo aan ka helnay shirka ay sheegayaan in khilaafku uu ka dhashay arrimaha gudiga soo xulitaanka baarlamaanka cusub iyo cida u matalaysa ururka Ahlu Sunna shirka saxiixayaasha Roadmapka.

Wararku waxay intaa ku darayaan in madaxweynuhu uu dalbaday in gudiga soo xulitaanka baarlamaanka la kala diro, halka arrintaas ay ka biyo diideen qaar kamid ah xubnaha kale ee saxiixayaasha Roadmapka.

Waxaana si caadi ah uga soconaya hotelka Panari ee magaalada Nairobi, kadib markii halkaas uu isaga baxay madaxweynaha shirkii ay lahaayeen madaxda Soomaalidu.

Saxiixayaasha kale ayaa ku adkaystay in shirku sidiisii uu sii socdo kadib markii uu halkaas isaga baxay madaxweynahu.

Waxaana arrintan ay ku soo beegantay maalin kadib markii uu buuq ku dhawaaday gacan ka hadal uu ku dhex maray goobtii ay Hillary Clinton kula kulmaysay madaxda Soomaalida, labo masuul oo kala matalaysay ururka Ahlu Sunna, isla markaana isku qabsaday kursigii loo qoondeeyay ururkaas.

HOOS KA DAAWO SIDII AY SAXIIXAYAASHA ISUGU DHACEEN




Hoos ka aqriso war la xiriira wakan|

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay


Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here
8/5/2012 2:17 PM EST
Qaybo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool gobolka Minnesota oo qaybtay kulna ay ku Cambaareeyey dilkii marxuum Marshaale (Daawo)

8/5/2012 2:15 PM EST
Axad, August 05, 2012 (HOL) - Shirkii saxiixayaasha Roadmapka ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

8/5/2012 11:09 AM EST
Axad, August 05, 2012(HOL): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si heer sare ah ay u soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

8/5/2012 10:23 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012(HOL)— Habeenimaddii xalay ahayd waxaa magaalada London ka dhacdey xaflad afur iyo casho sharaf isugu jirta oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee London,xafladaas ayaa waxaa loo suubiyey wafdigii kasocdey olymbikada Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gudigga olymbikada Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jiray laba ciyaartoy ah iyo masuuliyiintii kale ee lasocotay.

8/5/2012 9:55 AM EST
Axad, Agoosto, 05, 2012 (HOL) -- Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan tartan Qur’aan aqrsi ah oo ay ku tartamayeen arday laga soo kala xulay dugsiyada quraanka ku kala yaala xaafaddaha magaalada kuwaasoo ka koobnaa ilaa 80 arday.

8/5/2012 9:31 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Wararka aan ka helay degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in boqolaal askari oo AMISOM ah la geeyay degmadaas, kuwaasoo ku biiraya 100-askari oo horraantii sannadkan la geeyay degmadaas.

8/5/2012 8:07 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee DKMG ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa sheegay in degmada Huriwaa uu maanta ka dhacya qarax ay ku dhinteen labadii qof ee dhigayay.

8/5/2012 8:00 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Kulan ay ka soo qayb-galeen saxafiyiin ka kala socday qaybaha warbaahinta iyo fannaaniinta ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo kulankan ahaa mid looga hadlayay sababaha xilligan loo beegsanayo wariyeyaasha iyo fannaaniinta.

8/5/2012 7:42 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ka jira ee Hormuud, Golis iyo Telesom iyo xawaalada Tawakal ayaa si wadajir ah u bilaabay adeegyo loogu magac-daray Zaad iyo Sahal, kuwaasoo ah hab teleefoonka gacanta oo lacagta la isugu gudbinayo.

8/5/2012 7:36 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Shirkada Dahabshiil ayaa maanta oo Axad ah gaarsiisay deeq xoolo nool ah (Ari) bukaanada ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

8/5/2012 3:10 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weeraray laba saldhig oo ay ciidamada dowladda KMG ah ku lahaayeen degmada Afgooye, iyadoo la sheegay inay dhowr qof oo ka tirsan labada dhinac ku dhinteen dagaalkaas.

8/5/2012 3:08 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay lagu qabtay dood-cilmiyeed ay soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD isla markaana ay kasoo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee dhallinyarada, culummaa'udiin, waxgarad iyo haweenka deggen degmadaas iyo degaanada ku dhow-dhow.

8/5/2012 3:06 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Baaadir maareeyihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Ibraahim Imaam Xalane, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inuu ka baxsadaan goobta.