3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Xafalad Afur Iyo Casho Sharaf ah oo Magaalada London loogu sameeyey ciyaartoydii Iyo Wafdigii Olymbikada Soomaaliyeed


Axad, Ogoosto 05, 2012(HOL)— Habeenimaddii xalay ahayd waxaa magaalada London ka dhacdey xaflad afur iyo casho sharaf isugu jirta oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee London,xafladaas ayaa waxaa loo suubiyey wafdigii kasocdey olymbikada Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gudigga olymbikada Soomaaliyeed kuwaas oo isugu jiray laba ciyaartoy ah iyo masuuliyiintii kale ee lasocotay.

Xafladan oo ahayd mid aad iyo aad loosoo agaasimay ayaa waxaa barnaamijka inta uu socdey waxaa halkaas lagoo hadlay haddii ay ahaan lahayd wacyigelin iyo soo dhaweynta kasokow axaa halkaas lagu soo bandhigay suugaanta qaybaheeda kala duwan iyo weliba hadalo qiimo badan oo ay soo jeediyeen dad isugu jira masuuliyiin hore, aqoonyahano iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee jaaliyada London.

Xafladan ayaa ugu horeyntii waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah, ugu horayntii waxaa hadalka furay oo magaca gudigga qabanqaabada ku hadalayey Mudane Ahmed Nur(Seyga Ruushka) oo isagu soo dhaweeyey wafdiga iyo marti sharafta kale ee kasoo qaygashay xafladaas, waxa hadalkii lagu soo dhaweeyey Gudoomiyihii ururka dhalinyaradda Somaaliyeed Salaad Cismaan Rooble oo isagu run ahaantii ka hadlay dowrka dhalinyarada ay ka qaadan karto horumarinta dalka, Mudane Salad hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri" Iskuulaadka ayaa waxaa ay yihiin qaybta ugu muhiimsan ee laga hormarinkaro isboortiga,taasna waxaa ay ku xirantahay dowlada markaas jirta" intaasi ka dib ayaa waxaa halkaas ka hadlay garyaqaan Xuseen Dirie oo isagu ka hadlay dadaalka ay muujiyeen wiilka iyo gabarta u ordayey Soomaliya " Labaatan sano ayaa hoobiyo ka kordhacayey,haddii ay yimaadeen iyaga oo nabad qaba calankeeniina keenay waxaan leeyahay guul ayaad keenteen,ilaahna waxaan ka baryeynaa inuu dhulkeenii noo dajiyo si ciyaaraha afarta sano ee soo socda laguna qabandoono Brasil aynu ula nimaano 10 ciyaartoy iyo ka badan" sidaas waxaa yiri qareenka Soomaaliyedd Mudane Xuseen Dirie.


Xafladan oo ahayd mid aan is dhihi karo waxaa loosoo agaasimay si tayo leh aya waxaa dhextaal ahaan loosoo geliyey gabay nin soomaali ah tiriyey iyo hees cusub o loo qaaday Olybikada Soomaaliyeed iyo murugo lahay oo uu Xuseen Shire Jamac qaadayey oo mgaceeda loo bixiyey MAXAA LOO DILAY MARSHAALE. Intaas ka dib waxa sii socdey qudbooyinkii waxaana hadalkii qaaday ciyaaryahan hore barisamaadkii hadana aha ganacsade Soomaaliyeed oo kunool wadanka UK Mudane Maxamed Buuwe" haddii aad fiiriso badnaanteen oo aan ciyaartoyda soomaaliyeed qofkiiba hal ciyaartoy bishii biilkiisa u dira waxaan hubaa in afarta sano ee soo socota markii laga gaaro ciyaaraha Brasil lagu qabandoono inaan heli karno ciyaartoy tayo leh,waa haddii aan usoo jeesano rabnana inaan isboortigeena hormarino" sidaas waxaa yiri Maxamed Buuwe oo ay qiiradi ka muuqato,waxaa intaas ka dib hadalkii qaatay Abduqadir Isoomareey oo ah ruugcadaa isboorti waxaa hadaladiisii kamdi ahaa" haddii aan isku xiranahay, waa sax waan geynkarnaa calankeena meelwalba guulna waan ka keeni karnaa".

Intaas ka dib ayaa waxaa mikrafonka lagu soo wareejiyey martidii waxaana ugu horeyn hadlay madaxa wafiga olymbikada 2012 London Mudane Baraajab waxaana hadaladiisii ka mid ahaa"ciyaaraha olymbikada soo socda sida aan jeclahay wax waan ka keeni karnaa,haddii aan dhamaanteen gacmaha isqabsano isla mar ahaantaana waqti iyo shaqo xooglehna gelino". Waxaa sidoo kale halkaas lagu soo dhaweeyey kana hadlay Xoghayaha Guud ee Gudiga olymbikada Qaranka Soomaaliyeed xoghayaha waxaa uu ugu horeyntii u mahadceliyey sida diiran ee loo soo dhaweeyey wafdiga isla mar ahaantaana waxaa uu jaaliyada kula dardaamay inay si wada jir ah u wada shaqeeyaan. Waxaa gabagabaddii barnaamijka lagu soo dhaweeyey inuu hadaladii ku haboonaa ka yiraahdo Gudoomiyaha GOS Mudane Duran Farah, Duran waxaa uu ugu horeyntii ka mahadceliyey casho sharaftan qiimaha badan ee loo suubiyey wafdiga Soomaaliyeed intaas ka dib waxaa uu gudoomiyaha yiri waxaa wax lagu farxo ah in 204 wadan uu ka dhexmuuqdo calanka Somaliya taas waxaan dhihi karaa waa guul aan gaarnay,lakiin mid ayaa weli nga dhiman taas waxaa ay tahay inaan awoodeena midayno si sanadaha soo socda aan guulo badan usoo hoyno insha allah. Tan labaad oo rabo inaan halkan uga faaideysto waxaa ay tahay waxaan aniga oo ku hadlaya magaca GOS aan halkan hambalyo uga diraya Mo Farah oo caawa ku guulaystay orodka 10.000 bilada dahabka ah.


Ugu danbayntii waxaa uu halkaas marti sharaftii,wafdigii,qabanqaabiyayaashii xaflada iyo dhamaan cidkasta oo ka qaybqaadatay lagu gudoonsiiyey abaalmarino isugu jiray shahaado sharafyo iyo lacago. Waxaa xusid mudan ganacsato ama shirkado Soomaaliyeed o qayb weyn ka qaatay xafladan qabsoomideedii waxaana ka mid ahaa LADAN Express, HODON Global money transfer,SAHAL Express,MUNO Express,TAWAKAL Express, SAFARI Auto iyo Ururka haween CAAWIYE. Waxaa sidoo kale halkaas looga mahadceliyey gudigii soo qabanqaabiyey Ahmed Nur"Seyga Ruushka",Dahir Isse Bulhan,ciyaaryahandii  kubadda koleyga Jeenyo iyo xulka qaran Somaliyeed Xaawo Taako,ciyaaryahankii kubadda cagta Abdow Tarabi,Mahamud Khaliif,Maxamed Isse Ali"Digeeye",Gudoomiye kuxigeenka kubadda koleyga Abdulqadir Ali Geedi, Saciido Dheeray, Garyaqan Xuseen Dirie iyo Maxamud Ismail.










Abdiaziiz Goodax
[email protected]
London, Uk













Click here
8/5/2012 2:17 PM EST
Qaybo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool gobolka Minnesota oo qaybtay kulna ay ku Cambaareeyey dilkii marxuum Marshaale (Daawo)

8/5/2012 2:15 PM EST
Axad, August 05, 2012 (HOL) - Shirkii saxiixayaasha Roadmapka ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

8/5/2012 11:09 AM EST
Axad, August 05, 2012(HOL): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si heer sare ah ay u soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

8/5/2012 9:55 AM EST
Axad, Agoosto, 05, 2012 (HOL) -- Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan tartan Qur’aan aqrsi ah oo ay ku tartamayeen arday laga soo kala xulay dugsiyada quraanka ku kala yaala xaafaddaha magaalada kuwaasoo ka koobnaa ilaa 80 arday.

8/5/2012 9:31 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Wararka aan ka helay degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in boqolaal askari oo AMISOM ah la geeyay degmadaas, kuwaasoo ku biiraya 100-askari oo horraantii sannadkan la geeyay degmadaas.

8/5/2012 8:07 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee DKMG ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa sheegay in degmada Huriwaa uu maanta ka dhacya qarax ay ku dhinteen labadii qof ee dhigayay.

8/5/2012 8:00 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Kulan ay ka soo qayb-galeen saxafiyiin ka kala socday qaybaha warbaahinta iyo fannaaniinta ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo kulankan ahaa mid looga hadlayay sababaha xilligan loo beegsanayo wariyeyaasha iyo fannaaniinta.

8/5/2012 7:42 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ka jira ee Hormuud, Golis iyo Telesom iyo xawaalada Tawakal ayaa si wadajir ah u bilaabay adeegyo loogu magac-daray Zaad iyo Sahal, kuwaasoo ah hab teleefoonka gacanta oo lacagta la isugu gudbinayo.

8/5/2012 7:36 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Shirkada Dahabshiil ayaa maanta oo Axad ah gaarsiisay deeq xoolo nool ah (Ari) bukaanada ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

8/5/2012 7:00 AM EST
Axad, August 05, 2012 (HOL) - Kadib khilaafaad soo dhex galay madaxda Soomaalida oo maalintii labaad uu Nairobi uga socday shirkii saxiixayaasha Roadmapka, maalin kadib markii ay la kulmeen Hillary Clinton ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka baxay shirka.

8/5/2012 3:10 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weeraray laba saldhig oo ay ciidamada dowladda KMG ah ku lahaayeen degmada Afgooye, iyadoo la sheegay inay dhowr qof oo ka tirsan labada dhinac ku dhinteen dagaalkaas.

8/5/2012 3:08 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay lagu qabtay dood-cilmiyeed ay soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD isla markaana ay kasoo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee dhallinyarada, culummaa'udiin, waxgarad iyo haweenka deggen degmadaas iyo degaanada ku dhow-dhow.

8/5/2012 3:06 AM EST
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Baaadir maareeyihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Ibraahim Imaam Xalane, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inuu ka baxsadaan goobta.