4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Qaraxa miino oo ay ku dhinteen kooxihii dhigayey miinada oo ka dhacay Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee DKMG ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa sheegay in degmada Huriwaa uu maanta ka dhacya qarax ay ku dhinteen labadii qof ee dhigayay.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in miinadaas la doonayay in lagu aaso jid ay aad u isticmaalaan mas'uuliyiinta degmad oo uu isagu ka mid yahay, isagoo ku eedeeyay miinadaas la aasi lahaa Xarakada Al-shabaab.

"Qaraxa miino waxaa la doonayay in lagu waxyeelleeyo mas'uuliyiinta degmada, balse waxaa ku dhintay labadii qof ee aasayay," ayuu yiri Cumar Jacfaan, inkastoo Al-shabaab aysan ka hadlin qaraxa ka dhacay degmada Huriwaa.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid si weyn looga maqalay xaafadaha degmadaas, iyagoo sheegay inay arkeen maydadka laba qof oo yaalla halkii uu qaraxu ka dhacay.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Huriwaa ayaa sheegay in la qabtay laba ka mid ah askar falal dhac iyo kufsi isugu jira ka geysanayay habeennadii lasoo dhaafay xaafadaha degmadaas, isagoo sheegay in dhowr askari oo kale lagu daba-jiro.

Huriwaa oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxay noqotay midda ugu ammaan xun degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo ay ka dhacaan weerarro ay xoogag taabacsan Al-shabaab mararka qaarkood ku qaadeen saldhigga degmada iyo guriga guddoomiyaha degmadaas.

Shacabka ku nool degmada Huriwaa oo ka cabanaya dhaca iyo kursi haweenka loo geystay ayaa shalay dibabdax weyn ka dhigay degmadaas, inkastoo uusan weli ka hadlin maamulka gobolka Banaadir inay wax ka qabanayaan cabshada shacabka ku8 nool degmadaas iyo in kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya