4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Shirkii saxiixayaasha Roadmapka oo lagu soo gabagabeeyay goor dhow magaalada Nairobi
MAHIGA.jpg

Axad, August 05, 2012 (HOL) - Shirkii saxiixayaasha Roadmapka ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirkaan oo intiisa badan lagu lafa gurayay sida ay u qabsoomayaan soo xulida baarlamaanka, doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo doorashada madaxtinnimada ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan saxiixayaasha oo wakhtiga u harsani uu yahay labo asbuuc.

Waxaana uu ahaa shirku mid ay albaabadu u xiranyihiin oo aan loo ogolayn warbaahinta.

Waxaase markuu shirku dhamaaday saxaafada la hadlay ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo sheegay in halkaas ay ku gaareen heshiisyo badan oo ay kamid tahay soo xulitaanka xildhibaanada cusub, doorashada gudoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha iyo sidoo kale ilaalinta qoondada haweenka.

Mahiga ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in wali buuq ka taaganyahay qaabka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka u matali doona beesha Dhulbahante oo ay isku hayaan maamulka Puntland iyo odayaasha dhaqanka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali oo isna hadal kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay in shirkii maanta uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday.

Shirka inta uusan bilaaban ayaa waxaa ka dhoofay Nairobi madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo arrimo dhowr ah ay isku khilaafsanyihiin qaar kamid ah saxiixayaasha Roadmapka.

gaas.jpg
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya